Deeq A. Posted February 19, 2023 Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa markale ku celisay in weli fursad haystaan horjoogayaasha iyo dagaalameyaasha kooxda Al-Shabaab, xilli ay howl-galo xooggan ka socdaan qeybo bada oo dalka. Wasiir ku-xigeenka warfaafinta Soomaaliya Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala oo la hadlay VOA ayaa waxa uu sheegay in go’aankan uu yahay mid siyaasadeed oo dalka u dagsan, islamarkaana ay ku xiran yihiin shuruudo dhowr ah. “Dadka fikirkaas (Shabaabnimada) ka noqda oo dambiyo iyo xaalado gaar ah aan loo haysan waa soo dhaweynaysaa dowladda, albaabkana waa u furan yahay, wayna socotay maalmihii lasoo dhaafay,” ayuu yiri Al-Cadaala. “Sida Madaxweynaha Jamhuuriyada, Ra’iisul Wasaaraha iyo xukuumadda marar badan ku cel-celiyeen, dowladda Soomaaliyada waxay diyaar u tahay in ay soo dhaweyso dadka la marin-habaabiyey ee Khawaarijta ahaa marka ay ka gadaal fikirkaas kasoo noqdaan.” Wasiir Al-Cadaala marnaba ma carabaabin magacyadda xubnaha ka reeban liiska isa-soo dhiibayaasha, marka laga soo tago in shuruudaha loo fiirinayo Shabaab-ka ay qaabileyso dowladda in ay yihiin kuwo dambiyo iyo xaalado gaar ah aan loo haysan. Madaxda sare dalka ayaa hore dhowr jeer ugu baaqay dhalinyarada weli ku harsan kooxda Al-Shabaab in dadkooda ay dib ugu soo laabtaan, kana toobad keenaan ficilladooda khaldan inta ay weli fursadda haystaan. Si kastaba, Hoggaamiyeyaasha kooxda Al-Shabaab ee xiriirka la’leh al-Qaacida ayaa waxaa qaarkood madaxooda dul-saaran malaayiin dollar, ayada oo loo haysto inay ku lug leeyihiin weeraro ka dhacay dalka iyo kuwa deriska. The post DF oo shuruud cusub ku xirtay Shabaabka isku soo dhiibaya appeared first on Caasimada Online. Share this post Link to post Share on other sites