Sign in to follow this  
Deeq A.

Beesha Garxajis oo go’aano culus kasoo saartay dagaalka Laascaanood, kana baxday ergadii BIIXI

Recommended Posts

Deeq A.   
garxajis.jpg?fit=660%2C370&ssl=1

Hargeysa (Caasimada Online) – Odayaasha Dhaqanka iyo Waxgaradka beelaha West Burco Clan ee Somaliland ayaa maanta si adag uga hadlay dagaalka Laascaanood, iyaga oo madaxweyne Muuse Biixi ku eedeeyay xaaladda ka taagan magaaladaasi.

“Waxa leh masuuliyadda waxa ka dhacay Laascaanood xukuumadda Muuse Biixi Cabdi,” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay beesha West Burco Clan ee Somaliland.

Shir jaraa’id oo ay maanta ku qabteen magaalada Hargeysa ayaa waxay kaga dhawaaqeen in beesha West Burco Clan aysan ka qeyb-galeyn kana mid noqoneyn ergada uu dhawaan sheegay Muuse Biixi inuu u dirayo Laascaanood, iyaga oo ku sababeeyay in ay qaadi karin masuuliyada in Biixi aqbalayo go’aamada ay ergadu gaadho.

“Beesh West Burco Clan waxa ay go’aansatay in aan ay ka qaybgelin kana mid ahayn ergada uu sheegay Muuse Biixi inuu u dirayo Laascaanood sababta oo ah ma qaadi karno kalsoonida inuu aqbalayo go’aamada ay ergadu gaadho annaga oo ku xisaabtamayna aanu jirin jawi nabadeed oo lagu wada-hadli karo,” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay beesha West Burco Clan.

Waxay sheegeen in qaabkii ay uga fal-celisay xukuumadda Somaliland ee uu hoggaamiyo Muuse Biixi mudaharaadkii dadka reer Laascaanood uu ahaa mid qaldan, kaasi oo ay ku sheegeen mid ka baxsan nidaamkii lagu yaqaanay Somaliland, shuruucda iyo xeerarka caalamiga ah ee xuquuqul Insaanka.

“Waxaa ciidanku ay xabad nool la dhaceen dad shacab ah oo ka gadooday dilalka qorshaysan ee loo geesanayay haldoorka iyo birmagadaydada gobolka Sool mudada tobanka sanadood ka badan. Cabudhintaasi waxa ay la mid tahay hab dhaqanka qallafsan ee uu caadeeystay xukunka Muuse Biixi.”

“Waxaa cad in dhibtaas lagu maarayn karayay si ka duwan xabad iyo xoog ciidan. Beesha West Burco Clan oo maalmihii u dambeeyay laheyd wada-tashi iyo shirar ballaadhan oo ay kasoo qeyb-galeen qaybaha kala duwan ee ay beeshu leedahay waxa ay si xoog leh u cambaareynaysaa dagaalka ka socda Laascaanood iyo dilka shacabka aan hubaysnayn.”

Odayaasha Dhaqanka iyo Waxgaradka beesha West Burco Clan ayaa sidoo kale waxay soo jeediyeen in laga dhabeeyo xabad joojin labada dhinac ah, islamarkaana la kala fogeeyo ciidamada oo la geeyo meel aan xabadu iska gaadhi karin si xabad joojintu u hirgasho.

“In la joojiyo hadalada xanafta leh ee wax kala fogayn kara. Garaadada, guddida, culimada iyo waxgaradka beesha Sool clan waxa aanu ugu baaqaynaa inay qayb ka qaataan fulinta xabad joojinta iyaga oo ka qaadanaya doorka kaga beegan ee ah xakamaynta ciidanka.”

Ugu dambeyntiina waxay soo jeediyeen in aan wax caqabad ah lagu sameyn kaalmada bini’aadannimo ee la gaarsiinayo shacabka ku barakacay dagaalka halkaasi ka socda iyo dadka dhaawacu soo gaadhay.

scan1.jpg?resize=696%2C950&ssl=1 scan2.jpg?resize=696%2C944&ssl=1

The post Beesha West Burco Clan oo go’aano culus kasoo saartay dagaalka Laascaanood, kana baxday ergadii BIIXI appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this