Sign in to follow this  
Deeq A.

Maraykanka Oo Ruushka Ku Eedeeyey Dambiyo Ka Dhan Ah Bani’aadaminimada

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Moscow)-Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay in dalka Ruushku uu galay dambiyo ka dhan ah bani’aadaminimada intii lagu jiray duullaanka sannadka socday ee uu Ukraine ku qaaday.

Madaxweyne ku-xigeenka dalka Maraykanka Kamala Harris ayaa sheegtay in falalka Ruushka ee Ukraine la eegay caddeymaha.

“waxaa ogaanay halbeegyada sharciga ah oo aan shaki ku jirin, in ay jiraan dambiyo ka dhan ah bani’aadaminimada” ayey tidhi Madaxweyne kuxigeenka dalka Maraykanka Kamala Harris.

Sidoo kale Harris waxa ay intaas raacisay “Waxaanan u sheegayaa dhammaan kuwa dambiyadan geystay iyo madaxdooda oo ku daawanaya, in lala xisaabtami doono.”

Hadalka Kamala Harris ayaa yimid xilli ay hogaamiyeyaasha dalalka reer Galbeedku ay ku kulmayaan magaalada Munich ee dalka Jarmalka si ay u qiimeeyaan xasaraddii ugu xumeyd ee Yurub ka dhacda ilaa Dagaalkii Labaad ee Adduunka.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this