Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynaha Puntland oo dhawaan ku sii jeeda dalka Imaaraadka Carabta

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Puntland Siciid Deni ayaa dhawaan ku wajahan magaalada Dubai ee waddanka UAE.

Sarkaal sare oo ka tirsan Madaxtooyada ayaa noo xaqiijiyay in Siciid Deni uu maalmaha soo socda u safrayo dalkaas Imaaraadka Carabta.

” Waa xaqiiq in Madaxweyne Deni uu dhawaan u safrayo halkaas iyo Dubai balse xog intaas ka baxsan nooma sheegin” ayuu yiri sarkaal sare oo ka tirsan Madaxtooyada.

Safarkiisa Dubai ayaa ku soo beegmaya xilli uu dhawaan sahmin ku soo sameeyay Marinka Guardafui oo la hadal-hayo in saldhig ciidan laga siinayo dowladda Imaaraadka.

PUNTLAND POST

The post Madaxweynaha Puntland oo dhawaan ku sii jeeda dalka Imaaraadka Carabta appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this