Sign in to follow this  
Deeq A.

Kumuu Ahaa Ninka Ay Ka Billaabatay Colaadda Laascaanood Ee Ugu Dambeysay?

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Laascaanood)-Labadii toddobaad ee lasoo dhaafay waxaa magaalada Laascaanood ee gobolka Sool ka taagan xaalad cakiran iyo dagaallo u dhaxeeya maleeshiyaad nabadiid ah iyo ciidamada qaranka Somaliland. Xiisaddan ayaa ka billaabatay dibadbaxyo rabshado watay.

Dadka deegaanka ayaa ka mudaharaadayay dilal kusoo batay magaalada, hase ahaatee dilkii ugu dambeeyay ee kacdoonka abuuray waxa uu ahaa mid loo geystay nin dhallinyaro ahaa oo lagu magacaabi jiray Cabdifataax Hadraawi.

Dad aan heybtooda la aqoon ayaa Cabdifataax dil u geystay dabayaaqadii bishii December ee sannadkii lasoo dhaafay.

Waxa uu ahaa siyaasi saameyn ku leh bulshada deegaanka, dilkiisuna waxa uu kiciyay cadho aad u weyn.

Kumuu ahaa Cabdifataax Hadraawi?

Cabdifitaax Cabdullaahi Cabdi Hadraawi waxa uu sannadkii 1979 ku dhashay degmada Wallaweyn ee gobolka Shabeelada Hoose.

Aabihii Cabdullaahi Cabdi Sangub oo ka mid ahaa ciidanka Xooga Dalka Soomaaliya ayaa xilligaa joogay xerada Ballidoogle oo ku taalla duleedka magaalada Wallaweyn.

Waxbarashada aasaasiga waxa uu ku soo qaatay gobollada Shabeellada Hoose, Shabeellada Dhexe iyo Sool, sida uu xaqiijiyey Cabdillaahi Caweer X. Xuseen oo ay isla soo barbaareen.

Burburkii dawladii Soomaaliya ka dib waxa ay reerkoodu u guureen magaalada Laascaanood, halkaas oo waxbarashadiisa uu ka sii watay, waxaanu ka mid noqday ardaydii lagu bilaabay dugsiga sare ee Muuse Yuusuf, sida uu BBC-da u sheegay Faarax Diiriye Siciid, oo ahaa macallinkiisa.

Hadraawi waxa uu ka mid ahaa dhallinyarada ugu firfircoon ciyaaraha kubada cagta.

Naadiyadii kubbada cagta ee ugu horeeyey ayuu ku biiray isagoo kabtan u noqday naadiga Radio Laascaanood.

Laascaanood waxaa lagu tiriyaa mid ka mid ah magaalooyinka Soomaalida ee ay ka dhacaan dilalka ugu badan ee qorsheysan. Haddii aan waqtiga dib u celinno, 1969-kii waxaa lagu dilay magaaladan madaxweynihii labaad ee Soomaaliya, Cabdirashiid Cali Sharmaarke.

Balse laga soo laga soo bilaabo 2010-kii waxaa soo xoogeysanayay dilalka shaqsiyaad deggan magaalda oo ay geysanayeen dabley aan la aqoonsan.

Sannadkaan oo kaliya lix qof oo ah dad si wayn looga garanayo magaalada ayaa la khaarijiyay.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this