Sign in to follow this  
Deeq A.

Akhriso: Maxaa Looga Hadlayaa Kulamada Labada Aqal Ee Baarlamaanka Federalka?

Recommended Posts

Deeq A.   

Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya labadiisa gole ayaa maanta oo sabti ah waxaa ay kulan ku leeyihin magaalada caasimadda ah ee Muqdisho, waxaana ay ka wada hadli doonaan ajendayaal dhowr ah, kuwaas oo horey u soo gaaray Baarlamaanka labadiisa aqal.

Golaha aqalka sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda ayaa kulankooda waxaa lagu wadaa in akhrinta labaad ay ku mariyaan Hindise-sharciyeed Hey’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka qaranka, kaas oo dhowaan ay meel mariyeen golaha shacabka Baarlamaanka Federalka Soomaaliya.

Golaha ayaa waxaa sidoo kale waxaa aay Akhrinta sedexaad  marsiin doonaan hindise-sharciyeed xeer -hoosaad golaha aqalka sare, kaas oo golaha ay horey Akhrinta 2-aad iyo midda 1-aad ay soo marsiiyeen, iyadoo maanta Senatorrada ay codka u qaadi doonaan meel marintiisa.

Waxaa maanta sidoo kale kulan xarunta Villa Hargeysa ee magaalada Muqdisho ku yeelanaya  xildhibaannada golaha shacabka, kaas oo aan la shaacin hindisaha ay maanta ka doodayaan, golaha shacabka ayaa dhowaan soo meel mariyay hindiseyaal dhowr ah oo la horgeeyay.

Baarlamaanka Jamhuuriyadda federalka labadiisa gole ayaa muddooyinkii dambe si dardar leh u waday shaqooyinkooda, iyagoo meel mariyay hindisayaal dhowr ah, golaha aqalka sare ayaa wada akhrinta iyo faafreeb shirka hey’adda Sirdoonka Qaranka, kaas oo kasoo gudbay golaha shacabka.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this