Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxkamadda Ciidamada oo dil toogasho ah ku fulisay laba askari + Sawirro

Recommended Posts

Deeq A.   
332089382_612647660686867_76214784175042

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ayaa saaka xukun dil toogasho ah ku fulisay laba askari oo ka kala tirsanaa Booliska iyo Milatariga, kuwaas oo 10-kii January ee sanadkan 2023-ka dilal ka geystay Xamarweyne iyo Balcad.

Labada askari ee tiirka la geeyay ayaa waxaa lagu kala magacaabi jiray Qaasim Ducaalle Cabdi iyo Xasan Juulle Shaakir , kuwaas oo ay horay u xukuntay maxkamadda ciidamada.

Qaasim Ducaalle oo ka tirsanaa ciidamada qaada Canshuuraha ayaa Xamarweyne ku dilay Abuukar Maxamed Sheekh Nuuraani (Abirimo) kaas oo si weyn looga yaqaanay degmadaas

Abirimo oo dilkiisu uu sababay caro xoogan ayaa ahaa Alaabta Yaryar ee loo yaqaano Jukaatarada ku iibin jiray degmada Xamarweyne ee gobolka Banaadir.

Xasan Juulle Shaakir oo isna ka tirsanaa Milatariga Soomaaliya ayaa dil bareer ah u geystay marxuum Cali Taliye Cariif, kaas oo ka dhacay degmada Balcad ee gobolka Sh/Dhexe.

Marxuum Cali Taliye oo ahaa wade mooto Bajaj iyo askariga saaka la qisaasay ayaa murmay, waxaana kadib goobta lagu toogtay marxuumka.

Dhinaca kale waxaa tallaabada ay qaaday maxkamadda iyo dilka ay fulisay soo dhaweysay marxuumiinta ay horay u dileen labada askari ee maanta la toogtay.

Maalmihii u dambeeyay maxkamadda ciidamada qalanka sida ee Soomaaliya ayaa kordhisay fulinta dilalka toogashada ee ay horay u ridday, taas oo si aad ah loo dhaweeyay.

Si kastaba, waxaa weli xabsiyada dowladda ku jira askar kale oo dilal geysataya iyo xubno ka tirsan Shabaab oo iyagana sugaya in la geeyo tiirka cadaaladda, maadaama la xukumay.

331802196_534755275174684_33877107097923 332089382_612647660686867_76214784175042

The post Maxkamadda Ciidamada oo dil toogasho ah ku fulisay laba askari + Sawirro appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this