Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Somaliland: Finance Minister Suggest Importing Products to Ethiopia

Recommended Posts

Somaliland Oo sheegay Inay Kallalka Shanaad iyo Dawladda Dhexe Ee Itoobiya Kala Xaajoonayso U iib-geynta Wax soo-saarka Dalka

 

 

Hargeysa(Togaherer.com):- Wasiirka Wasaaradda Gancsiga, Warshadaha iyo Dalxiiska Somaliland Md. C/Risaaq Khaliif Axmed, oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Xafiiskiisa magaalada Hargeysa, ayaa sheegay in suuqa ugu weyn ee ay Somaliland u iib-geyn karto wax-soo saarka dalkeeda uu yahay dalka Itoobiya, isaga oo xusay inay wadahadal la yeelanayaan dawladda ismaamulka Soomaalida ee Killalka shanaad iyo sidoo kale dawladda dhexe ee Faddaraalka Itoobiya.

 

Wasiirku shiriisa jaraa’id waxa kale oo uu kaga warramay waxyaabaha u qorshaysan iyo tallaabooyinka uu qaadayo maadaamoo uu Wasaaradda ku cusub yahay, waxaanu hadalkiisa ku bilaabay oo uu yidhi; “Qaab dhismeedka Wasaaradani waxay isugui jirtaa sadex qeybood Wasaaradii Ganacsiga, Wasaaradii Warshadaha iyo Waax ka mid ah Wasaaraddii Dalxiiska illaa imika sidoodii uun bay u shaqaynayaan laakiin waxaanu rajaynaynaa in dhawaan la mideeyo Wasaarada oo ay yeelato hal Agaasime Guud oo Madaxweynuhu soo magacaabo markaasi Anaguna waxay noqonaysaa inaanu waaxihii Wasaarada habayno oo marka hore laga dhigo sadex waaxood oo waaweyni.” Sidaa ayuu yidhi Wasiirka Wasaradda Ganacsiga, Warshadaha iyo Dalxiisku. Waxaanu intaa ku daray oo uu yidhi;

 

Wasiirka Ganacsiga oo hadalkiisa sii wataa intaa ku daray , “Runtii waad ogtihiin Anagu hawsha waanu ku cusub nahay way jiraan meelo cabasho naga soo gaadhay waayo dadka ganacsatada ahi waxay marka hore hawshooda u qabsan jireen si iskood ah oo iyagaa meesha ay wax ka furanayaan sahansan jiray dawladuna ruqsadda uun bay siin jirtay arrintaasi ayay dhibaatada qaarkood ka iman jirtay.waxaan isku dayi doonaa mudada aan xafiiska joogo inaanu wax ka qabano wixii cabasho ah ee ka yimaadda arrintaas warshadaha iyo dhibaatooyinka ay bulshada ku yeelan karaan.mudadii aan xafiiskan joogay waxa kaliya oo laga soo cawday warshada Hargaha ee ku taalla Dacar-budhuq.cabashadaasi way soo noqnoqnaysaa markaa daraasad ayaanu ku wadnaa.” “Imika waxaannu bilownay inaannu xoojinno ururkii warshadlayda, oo uu noqdo urur taagan oo awood leh oo shaqaynayana cid aan ururkaasi ka mid ahaynina aanay Wasaaradda xidhiidh la soo yeelan karin, arrintaasi ayay ka dhalanaysaa inaannu kaantaroollo dhibaatada iyo saamaynta caafimaad ee warshaduhu ku yeelan karaan bulshada.”

 

Mar Wasiirka Ganacsiga la weydiiyay in Wasaaradiisu ay suuq raadin dibadeed u samayso waxsoosaarka dalka waxa uu ku jawaabay; “Wasaaradda waan ku cusubahay hadalkaygii maalintii Baarlamanka horjoogeyna waxaan ku daray in la raadiyo maalgelin si shaqo loo abuuro iyo ta labaad oo ah inaannu dhiiri gelinno wax-soosaarkeenna wadaniga ah. Wax soosaarka waddaniga ah waxa lagu dhiiri geliyaa siyaabo badan, waxa ka mid ah in alaabta ay la soo degayaan laga dhigo cashuur dhaaf. Waxa kale oo aannu doonaynaa in suuq loo raadiyo.”

 

“Suuqa aanu aadka u danaynayno waxa ka mid ah dalka aynu dariska nahay ee Itoobiya oo runtii isaguna wax ina soo galiya, Innaguna wax innaga gala oo caddi aanu jirin, barnaamijkaasi waanu isla garanay Wasiirka Maaliyadda inaannu xidhiidh la sameyno xafiiska Ganacsiga ee Itoobiya Somaliland uga furan, ka dibna aannu la xidhiidhno dawladda kililka ka dibna dawladdii dhexe ee Itoobiya. Iyaguna baahi badan ayay u qabaan wax-soosaarkeena,”ayuu yidhi Wasiirka Ganacsigu.

 

Waxaanu intaas ku ladhay oo uu sheegay waxyaabaha ay Somaliland Itoobiya u dhoofin karo inay ka mid yihiin Kalluuunka, Milixda iyo sidoo kale, waxyaabaha ay soo saaraan Warshadaha dalku sida saabuunta oo kale. Wasiirku waxa uu xusay in Warshaddii Sibidhka ee magaalada Berbera daraasad lagu sameeyey ka dib, lagu ogooday in dib u kicinteedu aanay wax badan qaadanayn, isla markaana ka dhib yar tahay hirgelinta Warshad cusub.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this