General Duke Posted October 2, 2009 Sheikh Shariif oo wax laga weydiiyey Carruurta ka laabtay Maraykanka xilliguu uu Xakumay Maxaakiimtii Islaamiga ahaa Daabaco | Print | Faafin: SomaliTalk.com | Wednesday, September 30, 2009 Sheikh Shariif oo wax laga weydiiyey Carruurta ka laabtay Maraykanka xilliguu uu Xakumay Maxaakiimtii Islaamiga ahaa | Akhri Qoraalkan Qoraallo La Xiriira Madaxweyne Shariif oo Xilku kaga egyahay October 14, 2009, sida uu dhigayo Axdiga DFKMG Minneapolis oo ku Mudaharaadaysa Sheikh Shariif, Goorma iyo Goobtee? Sheikh Shariif oo la hadlaya Soomaalida Washington iyo Minnesota Washington D.C Metropolitan Area Somali Community welcomes the Somali delegation led by President Sh. Sharif Sheikh Ahmed Sheikh Shariif Statement at UN General Assembly – Sept 25, 2009 Madaxweynaha DFKMG Sheikh Shariif oo ka hadlay Carruurta ka laabatay Maraykanka xilligii uu Isagu Xukumay Maxkamadihii Islaamiga Waraysi ay idaacadda BBC la yeelatay Sheikh Shariif ayaa wax laga weydiiyey in carruurta Soomaaliyeed ka laabtay Maraykanka xilligii uu madaxda ka ahaa Maxakamadihii ayaa sheegay in arrintaasi dhici karto. Maxamed Xaaji Xuseen (Shiino) oo Idaacadda British Broadcasting Corporation (BBC-da) uga soo warama Maraykanka ayaa marka hore waxa uu madaxweynaha DFKMG weydiiyey ciddii madaxda adduunka ay iska arkeen arrimaha Soomaaliya? Sheikh Shariif waxa uu ku jawaabey “dadkii aan la kulan dhammaantood waxay ahaayeen dad wadaaga dareen ay qabaan oo ku aadan in Soomaaliya xaaladdeedu ay adagtahay loona baahan yahay in gacan la siiyo, anagana waxay noo ahayd fursad runtii aan ugu sharxi karno qaddiyada Soomaaliya iyo baahida loo qabo adduunka in uu garab istaago Soomaaliya, xaaladda adag ay ku jirto darteed.” Markii la weydiiyey in uu arkay dad fursaddaas qaaliga ah wax uga faa’iidaynaya oo wax la qabanaya, waxa uu ku jawaabey “dadka oo dhan runtii waxay isku waafaqsanaayeen in lagama maarmaan ay tahay in wax lala qabto Soomaaliya.” Markii la xasuusiyey ay shirkii ka soo daaheen oo aysan iman markii ay joogeen madaxdii badnayd, waxa uu Sheikh Shariif ku jawaabey “Shirka waqtigii la furaayey ma joogin laakiin haddana madax badan ayaan la kulanay.” Markii la weydiiyey “waxaa la sheegay in aad tegeysid magaalooyinka Minneapolis iyo Columbus, maxaad ka dooneysaa? Waxa uu ku jawaabey “dadka Soomaalida in aan aragno, oo warbixin aan siino iyagana aan dhegeysano intaas ayaa ugu muhiimsan.” Quote Share this post Link to post Share on other sites