Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynaha Puntland oo booqday Marsada dabiiciga ah ee Booli Moog

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1676530757626.jpg?resize=720%2C48

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, oo safar shaqo ku jooga Gobolka Gardafuu ayaa booqday marsada dabiiciga ah ee deegaanka Boolimoog, oo ah marso la adeegsan jiray xili hore  taasi oo qorshuhu  yahay in dayactir lagu sameeyo si dhowaan ay u noqoto meel laga faaidsato  oo ay ka faaidaan dadka reer Puntland.

Madaxweynaha ayaa kormeeray qeybaha kala duwan ee deegaanka Boolimoog iyo xarumaha taariikhiga ah ee halkaasi ku yaalla, meeshan ma aheyn Dekadd dabiici ah oo keliya Balse waxaa ku yaallay Kayd Shidaal iyo Warshad farsameysa Kalluunka. Xaruntan oo ah mid Istiraatiji ah ayaa dhakhso loo dayactiri doonaa.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa booqday deegaanka Geesalay ee caanka ku ah Timirta, halkaasi oo siweyn loogu soo dhoweeyay, Madaxweynaha ayaa warbixin ka dhegaystay dadka deegaanka, wuxuuna Bulshada deegaanka Geesalay ku booriyay inay horumariyaan dadaalkooda wax soo saarka beeraha gaar ahaan Timirta.

PUNTLAND POST

The post Madaxweynaha Puntland oo booqday Marsada dabiiciga ah ee Booli Moog appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this