Sign in to follow this  
Deeq A.

Wararkii u danbeeyay ee dhul-gariirka Turkiga iyo Suuriya

Recommended Posts

Deeq A.   

3 Haween ah  iyo laba caruur ah ayaa laga soo badbaadiyay dhismayaasha burburay hoostooda ee magaalada Antakya oo ka tirsan Turkiga, 228 saacadood ka dib dhulgariirkii ugu horreeyay ee ka dhacay halkaasi.

Tirada dadka ku dhintay dhulgariirrada Turkiga iyo Suuriya ayaa dhaaftay 41,000,iyadoo weli samatabbixiyeyaashu ay sii wadaan inay helaan dad badbaaday:

Mas’uuliyiinta Turkiga ayaa sheegay in 35,418 qof ay ku dhinteen dhulgariirkaasi,halka Dowladda Suuriya iyo Qaramada Midoobay ay sheegeen in in ka badan 5,800 oo qof ay ku dhinteen Suuriya.

Ururka Caafimaadka Adduunka ayaa sheegay in aagga walaaca ugu weyn uu yahay waqooyi-galbeed ee Suuriya, halkaas oo ay ka sii kordhayaan carada ku aaddan gaabiska la xiriira gargaarka bini’aadinimo.

Qaramada Midoobay waxay codsanaysaa $397m oo gargaar ah si loogu caawiyo 5 milyan oo Suuriyaan ah oo ay la soo derseen hooy iyo cunto la’aan.

PUNTLAND POST

The post Wararkii u danbeeyay ee dhul-gariirka Turkiga iyo Suuriya appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this