Sign in to follow this  
Deeq A.

Xisbiga WADDANI Oo Eedo Culus U Soo Jeediyey Hay’ad Ka Tirsan Laamaha Dawladda Somaliland

Recommended Posts

Deeq A.   

Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI ayaa hay’ad ka tirsan hay’adaha xukuumadda Somaliland waxa ay eedo culus ugu soo jeedisay in ay cid kale u gudbisay masuuliyadda iyo hawshii ay qaranka ugu xil saarnayd isaga oo xusay xisbigu in hay’addaasi haddii ay wareeisay masuuliyaddii loo ogmaday aanay jirin sabab ay miisaaniyad u qaadato iyo sidoo kale jiritaankeeduba.

Xoghayaha Arrimaha Bulshada Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI Mudane Maxamed Sidiiq Dhamme waxa uu dhaliilo u soo jeediyey Hay’adda Dhawrista Tayada ee Somaliland taasi oo uu ku tilmaamay hay’ad aan waxba umadda ugu filnayn shaqadii ay u xil saarnaydna ku wareejisay Kambani dibadda laga leeyahay oo shisheeye.

Xoghayaha Arrimaha Bulshada Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI Mudane Maxamed Sidiiq Dhamme oo qoraal kooban ku baahiyey degelka uu ku leeyahay mareegta xidhiidhka Bulshada ee Facebook waxa uu yidhi sidan: “  

Ha’yad shaqadeedii Shirkad ku wareejisay ?

Hay’adda Dhawrista Tayada Somaliland waxay Masuul ka tahay Hubinta  Badeecadaha Dalka soo galaya, shaqadii  hubinta tayada cuntada, daawada iyo agabka la isku qurxiyo (Cosmetics) waxa la wareegtay Shirkadda COTECNA 15 March 2022. Sida ku cad XEER LR 68/2014, Qodobka 7(12) waxa waajib ku ah  Abuurida Shaybaadh qaran (National Laboratory System) madaama la wareejiyay shaqadii muxuu faa’iido leeyahay jiritaanka Ha’yadda Dhawrista Tayada ? shaqadii Shaybaadhka ee Xeerku ku waajibyay maxaa loo wareejiyay? Hay’adda Tayada Miisaaniyadeedu waa 11,755,676,947 SLSH !” ayuu qoraalkiisa ku soo gabogabeeyey Xoghayaha Arrimaha Bulshada Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI Mudane Maxamed Sidiiq Dhamme.

Si kastaba ha ahaatee hore waxa eedo loogu soo jeedin jiray hay’addan oo dad badani ku dhaliilaan sida aanay shaqadeedu waxba uga baddalin nolosha shacabka Somaliland iyada oo dadku inta badan ka cawdaan tayo xumada cuntooyinka dalka loo soo dhoofiyo iy sidoo kale waliba daaawooyinka oo lagu tilmaamo kuwo tayo xun oo saamayn caafimaad darro dalka ku keena.

Masuuliyiinta hay’adda dhawrusta tayada Ayaan wali ka hadal eedaha uga yimid xisbiga mucaaridka ha ee WADDANI.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this