Sign in to follow this  
Deeq A.

Muxuu Yahay Qorshe Cusub Oo Ay Xukuunadda Somaliland Ku Waajahayso Xaaladda Laascaanood?

Recommended Posts

Deeq A.   

 Xukuumadda Somaliland ayaa si rasmi ah shaaca uga qaadday in ay madax dhaqameed ka tirsan bahda dhaqanka ee reer Somaliland u diyaarisay in ay u dirto dejinta iyo wax ka qabashada xaaladda Gobolka Sool oo maalmihii ugu dambeeyey kacsanayd kadib muddo laba toddobaad ah oo dagaalo ka socdeen magaalada Laascaanood ee Gobolka Sool iyo hareeraheeda.

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil Saylici oo shalay si rasmi ah xadhiga uga jaray carwada Ganacsi ee sannadlaha ah ee ay soo diyaariso xarunta Rugta Ganacsiga Somaliland ayaa waxa uu daboolka ka qaaday in ay ka xukuumad ahaan diyaariyeen qorshe ay ugu talo galeen in ay ku wajahaan xal u helidda xaaladda kacsan ee ka taagan magaalo madaxda Gobolka Sool ee Laascaanood, isaga oo ku xigeenka Madaxweynaha Somaliland xusay in ay Madax-dhaqameed u dirayaan Gobolkaasi kuwaasi oo wada xaajood kala yeelan doona mashqada taagan dhiggooda garaadada Gobolka Sool.

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil Saylici oo arrintan ka hadlayaa waxa uu yidhi: “Cid Kasta oo cadaw ah oo ka xun horumarka Somaliland waxa aan leeyahay waad ku daalaysaan in aad horumarkaasi ka dagaalantaan oo aad is tidhaahdaan lugaha soo qabta. Waxa aan leeyahay Somaliland dad iyo dal isku xidhan oo Ilaahay mooyee aan cid kale kaalmo waydiisan oo dalkoodii dhistay weeyaan. cid wax u dhimi kartaana Ilaahay weyn ee awooddaasi siiyay mooyee cid kale oo wax u dhimi kartaa ma jirto. Waxa aan leeyahay cid kasta oo Somaliland ku hamiyaysa in ay xumaan u gaysato way ku daalaysaa ee haka waantowdo. Waxba haku daalina Ayaan leenahay shirkiinana alle ha idinku celiyo. Dhibta gobolka Sool taallaana way dhammaan. Shaydaan baa ka adeegay way dhammaanaysaa. Annagu haddii aan xukuumaddii nahay waxa aan diyaarinay dhaqankii Somaliland oo halkaa tagaya oo u tagaya walaalahoodaa kale ee Garaadada reer Laascaanood ee ay sida kale wax isku tustay. Waxaan u diraynaa in ay kala soo xaajoodaan oo aan siinay full maandhayt baan siinnay. Sababta oo ah xaggaasi maanta waxa ka talinaya garaado dhaqan ah. Markaa waxaan leenahay gadhba gadhbaa la tusaaye waxaan leenahay xukuumaddii aad ka cabanayseen idiinma iman. Idiin maanaan soo dirin waxaan idiin soo dirnay. Garaadadii idiin dhigmayay. Waxa aan idinka codsanaynaa walaalayaal oo Ilmaadeerayaal inaad soo fadhiisataan oo aad aqbashaan ergadaasi aan idiin soo dirnay oo wixii jira aad ka wada hadashaan. Taasi Ayaan idinka codsanaynaa haddii aan xukuumaddii nahay”. Ayuu yidhi Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil Saylici.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this