Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaafiic lagu garaacay Laascaanood iyo wararkii ugu dambeeyay

Recommended Posts

Deeq A.   
laascaanood.jpg?fit=1600%2C950&ssl=1

Laascaanood (Caasimada Online) – Wararka laga helayo gobolka Sool ayaa sheegaya in saaka aroortii hore tiro madaafiic ah lagu garaacay qaybo kamid ah gudaha magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, taas oo cabsi xoogan ku beertay dadka deegaanka.

Ku dhowaad illaa 5 madfac ayaa waxaa lagu soo warramayaa inay ku dhaceen bartamaha magaalada, gaar ahaan xaafado ay dagan yihiin dad shacab ah, balse ma cadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay.

Weerarkan loo adeegsaday madaafiicda ayaa waxaa lagu eedeeyay ciidamada Somaliland oo weli dagaal kula jira ciidamada deegaanka ee ku sugan halkaasi.

Sidoo kale waxaa magaalada laga maqlay rasaas teel teel ah oo ay is weydaarsanayeen labada dhinac ee isku horfadhiya magaaladaasi.

Xaaladda ayaa haatan sidii hore ka dagan, inkastoo dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga dareemayo magaalada Laascaanood iyo duleedkeeda, kuwaas oo u dhexeeyo ciidamada Somaliland iyo kuwa kasoo horjeedo ee dadka deegaanka.

Dhinaca kale waxaa socdo dadaallo la doonayo in lagu kala qaboojiyo xiisadda labada dhinac, si ay u dhaqan-gasho xabad-joojintii ay horay ugu dhawaaqday Somaliland.

Dagaalka Laascaanood ayaa kor u dhaafay illaa 10 cisho, kaas oo sababay khasaare dhimasho, dhaawac iyo burbur baaxad leh oo soo gaaray guud ahaan magaalada.

Waxaa sidoo kale barakac sameeyay dadka deegaanka, kuwaas oo ay haatan soo wajhaday xaalad adag oo nololeed, maadaama aysan heysan hoy iyo wax ay cunaan.

Si kastaba, lama oga sida ay wax noqon doonaan iyo halka ay ku dambeyn doonto xaalada Laascaanood, maadaama ay arrintu faraha ka baxday dhiigna uu ku daatay magaaladaasi.

The post Madaafiic lagu garaacay Laascaanood iyo wararkii ugu dambeeyay appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this