Sign in to follow this  
Deeq A.

Korodhka Qiimaha Gaaska Cuntada ee soo Fool leh

Recommended Posts

Deeq A.   
“Korodhka Qiimaha Gaaska Cuntada ee soo Fool leh”
W/Q Xamse Cabdiraxmaan Khayre
Xoghahayaha Ganacsiga, Warshadaha & Dalxiiska ee Xisbiga WADDANI.
” Waxaa la kordhiyay khidmada adeega dekeda Berbera ee koontaynarada Gaasta cuntada lagu karsado. Waxaa markii hore kontaynarka 20ft-ka ah laga qaadi jiray $ 532 kaas oo hadda laga dhigay $798 kaas oo lagu kordhiyay kontaynar walba $266. Waa korodh dhan 50%.
Kontaynarka 40ft-ka ah ee Gaaska oo $859 markii hore la qaadi jiray ayaa isna laga dhigay $1,288 kaas oo ah korodh dhan 50%.
Sidaa markay tahay waxaa dhici doonta in haanta gaaska ahi ay afka saarto $35 ilaa $ 40 dhawaanahan.
Xukuumada Somaliland iyo Wasaaradda Ganacsiga, Warshadaha & Dalxiiska ayaa gebi ahaanba siyaasadeedii ganacsigu aanay ahayn mid iyada gacanta ugu jirta amaba u badheedhay iney cidhiidhi geliso nolosha iyo waayaha dadka reer SL ee markii horeba la il darnaa sicir-bararka, abaaraha iyo saboolnimada is barkan.
Korodhka khidmadaha adeega kontayneerada (Handling Chaeges) waxaa ka horeeyay oo aan idinla wadaagnay dorraad adeeg kale oo isna soo kordhinayay $20 calaa Kontayner oo lagu sheegay adeega hubinta cayayaanada kontaynarada. Korodhka qiimaha shidaalka, korodhka cashuurta qaadka, shirkada COTNEC ee iyana tayadda cuntada iyo dawada la siiyay oo khidmado soo kordhisay ayaa usbuucan uun ahaa.
Xafiiska Ganacsiga, Dalxiiska & Warshadaha Waddani ayaa si dhow ula socda arimahan oo idinla wadaagi doona warbixino waafi ah marka ay haboonaato “
Allaa Mahadleh
330990688_3088543748115766_1450856490799
331062636_888452555824657_69134091505631

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this