Sign in to follow this  
General Duke

Somali cabinet names important posts: Including head of the armed forces

Recommended Posts

Kulankii Golaha Wasiiradda DFKMG ah oo lagu magacaabey Masuuliyiin kala duwan

 

Nairobi-12.April.2005 Shir aan caadi ahayn oo ay yeesheen Xubnaha Golaha Wasiirada DFKMG ah ee Soomaaliy ee maanta lagu qabtey Magaalada Nairobi ayaa waxaa si weyn looga Hadley Qodobo kala duwan oo ay ugu muhiimsaneyd Magacaabida Xubno kala duwan, iyo Amaanka Magaalada Muqdisho.

 

Kulanka Golaha Wasiirada DFKMG oo lagu qabtey Silver Springe Hotel ee Magaalada Nairobi ayaa waxaa shir gudoominayey Wasiirka koowaad ee DFKMG ah Prof.Cali Maxamed Geedi waxaana ugu horeyn uu Mr.Geedi uga warbixiyey Xubnaha Golaha Wasiirada Safarkii dhawaan ay ku tageen Wadanka Liibiya, waxaana Ra’salwasaaraha uu tibaaxey in ay ku guuleysteen dhamaan codsiyadii ay hordhigeen ee ahaa in ay taageero Xukumada Soomaaliya, waxaana sidoo kale uu sheegay in ay Xukuumada Liibiya la soo saxiixeen Heshiisyo kala duwan oo ku aadan Iskaashiga iyo dhaqaalaha.

 

Intaasi ka dib ayaa waxaa shirkii maanta lagu lafagurey qodobo kala duwan oo ay ka mid ahaayeen Xaalada amaanka Qorshaha Caasimadda, iyo magacaabida Gudiyo kala duwan.

 

Waxaana loo magacaabey Taliyaha Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed Jen.Ismaaciil Qaasim Naaji, Agaasimaha Bandhiga Dhexe ayaa waxaa loo magaacabey Bashiir Ciise Cali halka Xeer ilaaliyaha Guud loo magacaabey C/laahi Daahir Barre.

 

Sidoo kale waxaa isla kulankii manta lagu magacaabey Gudiga Dastuurka iyo Arimaha Federaalka kuwaasi oo Beelaha Soomaalida ee wax ku qaybsanayey dhawaanahan nidaamka 4.5 ayaa Afarta Beelood waxay u kala qaateen min 3 xubnood Xubnood, halka Beesha Shanaad ay qaadatey 1 xubin.

 

Xubnahaasi ayaa waxaa isla markiiba lagu soo gudbiyey isla fadhigii Golaha Wasiirada waxayna kala yihiin

 

1- Avv. Sheekh Cumar Axmed

2- Max’ed Nuur Jiley

3- Max’ed ***** Ibraahim

4- Tahliil Xuseen Geeddi

5-Max’ed Buraale Ismaaciil.

6- Xasan Ugaas Daahir

7-Mukhtaar Cabdi Dhuubow

8- Avv. Ilyaas Max’uud Maalin

9- Eng. Max’ed Siyaad Naaleeye

10- Avv. Sheekh Ibraahim Sheekh Axmed

11- Ismaaciil Nuur Maxamed

 

Waxaa sidoo kale lagu wadaa in lagu daro Maxamed Axmed Kulan.

 

Beesha Dirta Waqooyi ayaa xubnihii Gudigan uga mud noqon lahaa ayaa lagu wadaa in dib laga soo magacaabo.

 

Kulankii maanta ayaa waxaa la isla gartey hawsha Amaanka Magaalada Muqdisho iyo go’aankeeda in lala sugo Xubnaha Wasiirada ka mid ah ee haatan ku sugan Magaalada Muqdisho.

 

Canab Mumtaaz

SBC Nairobi.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ra'iisal Wasaare Geedi oo maanta Magacaabay Mas'uuliyiin isugu Jira Ciidamada, Garsoorka iyo Bangiga dhexe, kadib Markii golihii ay shir maanta Yeesheen

 

April 12, 2005

 

 

--------------------------------------------------------------------------------

 

Wararka ka imaanaya magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa sheegaya in Ra’iisul wasaareha dowlada federaalka kmg-ka Soomaaliyeed Cali Maxameded Geedi uu maanta Magacaabey Mas'uuliyiin isugu jira kuwo Madax u noqonaya Ciidamada Soomaaliya iyo ka shaqeyn doona bangiga dhexe ee Soomaaliya.

 

Wararka waxa ay leeyihiin ra'iisal wasaaraha ayaa u magacaabay Gen: Ismaaciil Qaasin Naaji inuu noqdo Taliyaha Ciidamada Xooga Dalka Soomaaliyeed, halka C/llaahi Daahir Barre loo magacaabay Xeer ilaaliyaha Guud ee Maxkamada, iyadoo Agaasimaha guud ee bankiga dhexena loo magacaabay Bashiir Ciise Cali kadib kulan ay maanta yeesheen xubnaha golaha wasiirada ee ku sugan mag. Nairobi.

 

Kulankaasi oo socaday muddo shan saacadood ah ayaa looga hadlayey magacaabista xubnahaasi oo la sheegay inay ahayd talo soo jeedinta wasiirada difaaaca, maaliyada iyo garsoorka, waxaa sidoo kale xubnaha golaha wasiiradu isku raaceen dhismaha guddiga dastuurka iyo federaalka kuwaasoo kala ah:

 

Avv. Sh. Cismaan Cumar Axmed, Max’ed Nuur Jileey, Max’ed ***** Ibraahin, Tahliil Xuseen Geed, Max’ed Buraale Ismaaciil. Muqtaar Cabdi Dhuubow. Avv. Ilyaas Max’uud Maalin. Max’ed Siyaad Naaleeye, Sh. Ibraahin Sh. Axmed iyo Ismaaciil Nuur Axmed, gudigan ayaa waxa ka dhiman xubnihii dirta waqooyi uga mid noqon lahaa iyadoo laga sugayo inay dhawaan soo gudbiyaan sida uu shabelle u sheegay afhayeenka ra’iisul wasaare geedi ninka lagu magacaabo C/raxmaan Diinaari.

 

Ra’iisul wasaare Geedi uu sheegay in kaabayaasha gudiyada dhiman iyo kaabayaasha dhaqaalaha , xog-hayayaasha guud, taliyaha ciidanka booliska , hanti dhawraha guud, garyaqaanka guud intaba la magacaabi doono maalinta sabtida ah marka kulan ay yeeshaan golaha wasiirada.

 

 

 

Maxamed Cali Maxamud (Madka)

Xafiiska Markacadeey ee Muqdisho

xafiiskamuqdisho@hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this