Sign in to follow this  
Deeq A.

Nuxurka kulan maalinta berri ah ka qabsoomi doona qasriga madaxtooyada

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxwaynaha Somaliland ayaa ku casuumay, haldoorka, wax-garadka, aqoonyahanka, culimada diinta iyo odayaasha dhaqanka kulan maalinta berri ah ka qabsoomi doona qasriga madaxtooyada ee magaalada Hargeysa.

Tirada dadka ka qayb-galaya ayaa la sheegay inay yihiin 400 (afar boqol) oo qof.

Ilo-wareedyo xogogaal ah ayaa ii sheegay in lagaga hadli doono nabadgeliyada, walaalnimada iyo wax-wada-lahaanshaha shacabka Somaliland, isla markaana farriin loogu dirayo xaaladda ka taagan magaalada Laascaanood ee gobolka Sool.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this