Sign in to follow this  
Deeq A.

Faahfaahinta khasaaraha qarax ka dhacay magaalada Boosaaso

Recommended Posts

Deeq A.   

Faahfaahin dheeri ah ayaa laga helayaa qarax galabta ka dhacay magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

Qaraxa oo ahaa miino dhulka la geliyay ayaa sida la xaqiijinayo ka dhacay merfish lagu qayilo halkaas oo ay ku sugnaayeen askar iyo dad shacab ah.

Hal ruux oo dumar ah ayaa si rasmi ah loo xaqiijiyay in ay ku geeriyootay qaraxa halka ay ku dhaawacmeen ilaa sagaal qof oo kale.

Dhaawacyada oo qaarkood culus yihiin ayaa loo qaaday xarumaha caafimaadka magaalada Boosaaso.

Ilaa iyo hadda ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda qaraxaas inkastoo kooxaha argagixisada ah looga bartay qaraxyadan oo kale.

PUNTLAND POST

The post Faahfaahinta khasaaraha qarax ka dhacay magaalada Boosaaso appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this