Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Yaa kusoo baxay kursigii u baneeyay ra’iisul wasaare Xamza?

Recommended Posts

Deeq A.   
331410484_5934892899890902_2554647746750

Kismaayo (Caasimada Online) – Guddiga KMG ah ee doorashada kuraasta ka bannaan Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa maanta magaallo xeebeedka Kismaayo ku qabtay doorashada kursiga Hop#203, kaas oo uu horey u baneeyay ra’iisul wasaare Xamza Cabdi.

Doorashada kursigan oo horay loo sii shaaciyay, kadib jadwal uu soo saaray guddiga ayaa waxaa isku soo taagay illaa laba musharrax oo uu midkood tanaasulay.

Kursigab oo isha loogu hayey soo buuxintiisa ayaa waxaa ku soo baxay Xasan Hurry Ugaas, kadib markii uu u tanaasulay musharrax Cabdullaahi Maxamed Cabdi oo la tartami ahaa.

Xasan Hurry oo kusoo baxay cod-gacantaag ah ayaa helay 88 cod, sida uu shaaca ka qaadau guddiga KMG ah ee doorashada kuraasta ka banaan Golaha Shacabka.

“Wadarta Ergada soo xaadirtay ayaa ahayd 90. Codaynta Doorashada markii la gudogalay ayaa waxaa tanaasulay Cabdullaahi Maxamed Cabdi, sidaasna waxaa gacantaag loogu codeeyay Xasan Hurry Ugaas. 88 ayaa tiri HAA, hal qof wuu diiday, hal qofna wuu ka aamusay. Sidaas ayuu Xasan Hurre Ugaas ku helay 88 cod oo kamid ah tirada ergada ee kooramka fadhiday, kuna noqday Guulaystaha Kursiga tirsigiisu yahay GSH # 203” ayuu yiri guddigu.

Sidoo kale guddiga ayaa u hambalyeeyay xildhibaanka cusub ee lasoo doortay, wuxuuna sidoo kale eebe uga baryay inuu u fududeeyo mas’uuliyadda cusub ee loo igmaday.

“Waxaan Xasan Eebbe uga baryaynaa inuu ku asturo xilka culus ee loo doortay,” ayaa markale lagu yiri qoraalka kasoo baxay guddiga doorashada.

28-kii bishii December sanadkii 2021-kii ayaa kursigaan loo doortay Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre, Xamza ayaa saaxiib dhow la ahaa madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe oo awood badan ku dhex lahaa doorashadii xildhibaanada ee Kismaayo ka dhacday.

Maadaama uu hadda Xamza yahay Ra’iisul wasaaraha dalka wuxuu baneeyey kursigaas oo dastuurku uma ogolaanayo in R/Wasaare uu noqdo xubin baarlamaan, taas oo khasab ka dhigeysa in qof kale loo doorto kursigaas.

Kursiga uu baneeyey R/Wasaare Xamza Barre wuxuu noqonaya kursiga labaad ee dib loo soo doorto, waxaana ka horeeyay kii uu baneeyey Agaasimaha NISA Mahad Salaad oo bilowgii bishaan Febraayo lagu doortay Dhuusamareeb, waxaana ku soo baxay Xildhibaan Ilyaas Sheekh Axmed.

329194455_1242541809696560_9203903921879 331244082_2112723955605499_4994374616276 331289566_1616765145427462_2723700088187 331406712_449511853976300_22769664967542 331410484_5934892899890902_2554647746750 331428104_906621480372540_83266734858150

The post Sawirro: Yaa kusoo baxay kursigii u baneeyay ra’iisul wasaare Xamza? appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this