Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland: Ciidanka PSF oo Al-shabaab ka saaray dhul ka tirsan Calmis

Recommended Posts

Deeq A.   
Polish_20230215_100251383.jpg?resize=720

Taliska Ciidanka xoogga Puntland ee PSF ayaa shaaciyay in ay maleeshiyaadka Al-shabaab ka saareen dhul ka tirsan buuraleyda Calmis ee Gobolka Bari.

Hawlgal qorshaysan oo Ciidanka PSF uu ka sameeyay buuraha Calmiskaad ayaa kooxda Al-shabaab looga saaray xarun ay ku lahayd tuulada XABLEY.

War ka soo baxay PSF ayaa lagu sheegay in maleeshiyaadka A-shabaab laga saaray XABLEY kadib hawlgal qorshaysan oo Ciidanku ka fuliyay halkaas.

Taliska PSF ayaa sidoo kale sheegay in ay sii wadi doonaan Hawlgallada ka socda dhanka buuraha ee ka dhanka ah kooxaha Al-shabaab.

PUNTLAND POST

The post Puntland: Ciidanka PSF oo Al-shabaab ka saaray dhul ka tirsan Calmis appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this