Sign in to follow this  
Deeq A.

DEG DEG: NISA oo war culus ka soo saartay ganacsato ay Al-Shabaab u yeereen

Recommended Posts

Deeq A.   
NISA.png?fit=3155%2C2081&ssl=1

Muqdisho (Caasimada Online) – Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee NISA ayaa soo saartay digniin ku socota ganacsato xogtooda la helay oo kooxda Al-Shabaab ay u yeertay.

Sida lagu cadeeyey qoraalka hey’adda, kooxda Al-Shabaab ayaa ganacsatada reer Muqdisho qaar ka mid ah ku amartay inay ugu tagaan deegaano ka tirsan gobolka Shabeellada Hoose, waxayna NISA digniin u dirtay qof kasta oo amarkaas ay Al-Shabaab dul-dhigeen.

“Hey’addu waxay uga digeysaa ganacsatada inay u hoggaansamaan amarrada Khawaarijtu ku doonayaan inay ku boobaan hantidooda, kadibna hantidaas loo isticmaalo gumaadka dad shacab ah,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay NISA.

Qoraalkaan oo lagu baahiyey bogga Twitterka ee hey’adda ayaa sidoo kale digniin loogu diray dadka Soomaaliyeed ee ku sugan goobaha ay ka dhowyihiin Al-Shabaab, iyadoo qoraalka lagu cadeeyey in kooxdu ay mar kasta bartilmaameed u tahay hey’adaha amniga ee dowladda federaalka.

Digniintaan ka soo baxday hey’adda NISA ayaa ku soo aadeysa iyadoo galabta Guddiga Qaran ee ka hortaga lacag dhaqidda iyo la-dagaalanka Maal-gelinta argagixisada uu soo saaray go’aano culus, kuwaas oo la xiriira maal-gelinta argagixisada iyo shirkadaha dalka qeybahooda kala duwan.

Guddiga ayaa ugu horeyntii uga digay muwaadiniinta Soomaaliyeed in ay ka fogaadaan tallaabo kasta oo caawin karta Al-Shabaab, gaar ahaan arrinta la xiriirta dembiyada lacag dhaqida iyo maal-gelinta argagixisada.

“Lacag dhaqida iyo maal-gelinta argagixisada waa dambiyo waaweyn, si waafaqsan qoddobada 2-aad iyo 3-aad ee sharciga ka hortaga lacag dhaqida iyo maal-gelinta argagixisada,” ayaa lagu yiri digniinta guddiga.

Go’aanada kasoo baxay guddigan ayaa waxa lagu faray shirkadaha isgaarsiinta iyo adeegyada telefoonada (mobile money service providers) in ay diiwaan-geliyaan dadka qaadanaya lambarada cusub, oo ugu yaraan sawir iyo faraha laga hayo macmiil kasta oo loo furayo sim-kaar cusub.

“Kuwa horay u qaatay Sim-kaararka waa in dib loo diiwaan-geliyo muddo aan ka badneyn 90 cisho gudahood, si waafaqsan qoddobka 5-aad ee sharciga ka hortaga lacag dhaqida iyo maal-gelinta argagixisada,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay guddiga.

Guddigu waxa kale oo uu faray hay’adaha maaliyadeed sida; Bankiyada, Xawaadalaha iyo Shirkadaha bixiya adeegyada lacagaha telefoonada in ay kusoo gudbiyaan warbixinada ay warsadaan hay’adaha ku shaqada leh sida FRC & Xafiiska Xeer-Ilaaliyaha Guud muddo 24 saac gudahood.

“Cidii kusoo gudbin weysa warbixinada mudadaas, waxaa laga qaadayaa tallaabooyinka ku cad sharciga ka hortaga lacag dhaqidda iyo maal-gelinta argagixisada,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Hoos ka eeg digniinta NISA

330333875_557430023008244_23301021975342

The post DEG DEG: NISA oo war culus ka soo saartay ganacsato ay Al-Shabaab u yeereen appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this