Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Ethiopian soldiers are back in bay and bakool.

Recommended Posts

Cidamo Itoobiyaan ah oo soo Deegaanka Bakool Ee Koonfurta Soomaaliya

Wednesday, 29 September 2010

Ciidamo Itoobiyaan ah iyo ciidamo ka tirsan dawladda ku meel gaar ka ah ayaa lagu soo waramayaa in ay soo buux dhaafiyeen degmada Quracjoome iyo deegaanada hoos yimaada ee ka tirsan gobolka Bakool.

 

 

Ciidamadaasi ayaa ah kuwo degmadaasi soo gaaray waabarigii saaka halkaasi oo ay ka bilaabeen dhaqdhaqaaqyo ciidan oo xoogan kaasi oo ah mid ay ku doonayaan in ay deegano ka mid ah gobolka Bakool uga saaraan maleeshiyaadka Alshabaab ee ku sugan qaybo ka tirsan gobolkaasi

 

 

Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in ciidamadaasi ka kala tirsan ciidamado Itoobiyaan ah iyo kuwa dawladda ku meel gaarku ay yihiin kuwo si xoogan u hubeysan oo sita gaadiidka dagaalka iyo Uuraalo waxaana ay saldhiyo ciidan ka sameysteen degmada Qurac joome iyo deegaanada hoos yimaada, iyagoo hakiyey isku socodkii gaadiidka dadweynaha ee iska kala gooshi jiray dhulka ismaamulka Soomaalida Itoobiya iyo gobolka Bakool.

 

 

Goob joogayaal ku sugan degmada Quracjoome ayaa sheegay in ay arkeen ciidamo Itoobiyaan ah iyo gaadiidkii ay wateen oo gudaha u soo galay degmadaasi saaka aroornimadii hore mana jirto cida ay waxyeelo u gaysteen hase yeeshee saraakiil ka tirsan ciidamada dawladda ayaa dadweynaha ku wargalieyey in ay is dajiyaan una sheegay in wax dhibaato aysan deegankasi ka jirin.

 

 

In badan ilaa iyo 3 biood ayey ciidamo ka tirsan dawlada ku meel gaarku ay fariisimo ay ku leeyihiin deegmada Quracjoome iyo Yeed ee gobolka Bakool, iyagoo ammaanka deeganadaasi sidoo kalana dhawr dagaal kula galeen maleeshiyadka Alshabaab ee qaybo ka mid ah gobolka Bakool kusugan.

 

 

Waxaan sidoo kale ilaa haatan si dhab ah loo ogayn sababta ay ciidamo ka kala tirsan Itoobiyan iyo kuwo dawladda ku meel gaarku ay haatan degmaadaasi u soo buux dhaafiyeen walow ay jiraan warar sheegaya in ay dhici karto in ay doonayaan in gobolka Bakool ay ka saaraan maleeshiyaadka Alshabaab ee ka horjeeda dawladda kumeel gaarka

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this