Sign in to follow this  
Deeq A.

Xukuumadda Somaliland Oo Eedeysay Farmaajo

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)-Wasiir Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Somaliland Cabdiqani Maxamuud Caateeye ayaa soo saaray qoraal uu ku sheegayo in madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo uu qorsheynayey dagaal ka dhan ah Somaliland.

Wasiir Caateeye ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitterka wuxuu ku sheegay in Farmaajo uu ciidan la dagaalama Somaliland ku soo tababaray Turkiga ioyo Eritrea, sida uu hadalkiisa u dhigay.

Sidoo kale qoraalka wasiirka gaashaandhigga Somaliland qeybtiisa dambe waxaa ku xusan in Somaliland lagula dagaalamayo hub loogu deeqay Soomaaliya.

“Qorshahan lagu khal-khal gelinayo xasiloonida Somaliland ayaa soo socday muddo sanado ah, iyadoo Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Farmaajo uu ciidamo tababar ku soo qaatay dalalka Eritrea iyo Turkiga, u jeedkooduna yahay inay la dagaalamaan Somaliland. Hubka loogu deeqay Soomaaliya ayaa lagula dagaalamay Somaliland,” Wasiir Gaashaandhigga Somaliland Cabdiqani Maxamuud Caateeye.

Capture-2.png

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this