Deeq A. Posted February 13, 2023 Hargeysa (Caasimada Online) – Wasiir Gaashaandhigga Somaliland Cabdiqani Maxamuud Caateeye ayaa soo saaray qoraal uu ku sheegayo in madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo uu qorsheynayey dagaal ka dhan ah Somaliland. Wasiir Caateeye ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitterka wuxuu ku sheegay in Farmaajo uu ciidan la dagaalama Somaliland ku soo tababaray Turkiga ioyo Eritrea, sida uu hadalkiisa u dhigay. Sidoo kale qoraalka wasiirka gaashaandhigga Somaliland qeybtiisa dambe waxaa ku xusan in Somaliland lagula dagaalamayo hub loogu deeqay Soomaaliya. “Qorshahan lagu khal-khal gelinayo xasiloonida Somaliland ayaa soo socday muddo sanado ah, iyadoo Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Farmaajo uu ciidamo tababar ku soo qaatay dalalka Eritrea iyo Turkiga, u jeedkooduna yahay inay la dagaalamaan Somaliland. Hubka loogu deeqay Soomaaliya ayaa lagula dagaalamay Somaliland,” Wasiir Gaashaandhigga Somaliland Cabdiqani Maxamuud Caateeye. The plan to destabilize Somaliland had been years in the making, with the former President of Somalia, Farmajo, sending soldiers to receive training in Eritrea and Turkey with the intention of fighting Somaliland. Arms donated to Somalia are being used to fight Somaliland. pic.twitter.com/4dxEqM80tk — Abdiqani Mahamoud Ateye (@AbdiqaniMin) February 13, 2023 Hadalka wasiirkaan ayaa imaanaya iyadoo mudo hal todobaad ah uu magaalada Laascaanood ee gobolka Sool oo dhacda xuduuda Soomaaliya iyo Somaliland uu ka socdo dagaal aad u culus. Waxaa xusid mudan in dowladda federaalka Soomaaliya aysan dagaalkaas ku laheyn door muuqda, isla markaana aysan jirin hub ama ciidan la arkay oo dowladda dhexe ay ku biirisay dagaalkaas. Beesha degta Laascaanood ayaa si mideysan u diidan ka sii mid ahaanshaha Somaliland, taas oo keentay in dagaalka lagu kala adkaa waayo, waxaana maalinba maalinka ka dambeysa sii adkaaneysa qadiyadda ka taagan Laacsaanood. Dadka reer Sool oo isimadoodu ay hor boodayaan ayaa si cad u sheegay inay doonayaan madax-banaani ka dhan ah Somaliland, balse xukuumadda Somaliland ayaa awood militeri uga jawaabtay cabashada dadka deegaankaas. Madaxweyne Farmaajo ayaa lagu xusuustaa in hadda ka hor uu ka gaabsaday su’aal laga weydiiyey qadiyadda dadka reer Sool ay ku diidan yihiin Somaliland, taas oo dhaleeceyn badan uu kala kulmay. Dowladda Federaalka ee Madaxweyne Xasan Sheekh uu hoggaamiyo ayaa doorkeeda ku ekeysay baaq ah in xiisadda Laascaanood lagu xaliyo wadahadal, balse waxay dirtay gargaar u badan daawooyin iyo diyaarado Muqdisho ka dejiya dhaawacyada dadka ka dagaalamaya Laascaanood ee Somaliland iska difaacaya. The post Somaliland oo Farmaajo ku eedeysay qorshe yaab leh appeared first on Caasimada Online. Share this post Link to post Share on other sites