Sign in to follow this  
Deeq A.

Jabuuti oo iska fogeysay inay ku lug leedahay dagaalka ka socda magaalada Laascaanood

Recommended Posts

Deeq A.   

Dowladda Jabuuti ayaa waxay iska fogeysay inay wax lug ah ku leedahay arrimaha ka socda magaalada Laascaanood ee gobolka Sool, halkaas oo ay ku dagaalamayaan ciidammada qaranka Somaliland iyo maleeshiyaad nabad-diid ah.

Wasiirka arrimaha dibadda Jabuuti Maxamuud Yuusuf Cali oo qoraal kusoo qoray bartiisa twitterka, ayaa sheegay in ayna Somaliland ka codsan Jabuuti dhexdhexaadinta xaaladda Laascaanood.

Maxamuud Yuusuf Cali wuxuu sheegay in Jabuuti ay ku sii adkaysan doonto siyaasaddeeda derisnimo iyo doorkeeda ku aadan dhexdhexaadnimada.

“Maalmihii u dambeeyey, waxa baraha bulshada dhex socday marinhabaabin ballaadhan, oo dalkayga Jabuuti lagu eedaynayay inuu ka qayb qaatay waxa Laascaanood ka socda. Waxaas oo dhami waa been la buunbuuniyey, si Jabuuti loogu diro waddamada la jaarka ah”

Dhowaan ayay ahayd markii mucaaradka dalka Jabuuti ay ku eedeeyeen madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle inuu Somaliland u ballanqaaday taageero militari oo ka caawinaysa dagaalka ka socda Laascaanood.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this