Sign in to follow this  
Deeq A.

R/W Xamza oo amar culus kasoo saaray amniga MUQDISHO + Sawirro

Recommended Posts

Deeq A.   
330980391_945003019999400_74191666867183

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, Mudane Xasan Cabdi Barre oo xalay kulan gaar ah la yeeshay guddoonka sare ee maamulka gobolka Banaadir, guddoomiyeyaasha degmooyinka iyo saraakiisha laamaha amniga ayaa soo saaray amar culus oo wax looga beddalayo amniga magaalada caasimada Muqdisho.

Kulankan oo ahaa mid xasaasi ah ayaa waxaa goobjoog ahaa guddoomiyaha gobolka Banaadir, ku xigeenadiisa, guddoomiyeyaasha degmooyinka, wasiiro ka tirsan xukuumadda federaalka Soomaaliya, taliyaha booliska federaalka Soomaaliya, taliyeyaasha Nabad-sugidda iyo Booliska Gobolka iyo Taliyeyaasha heer degmo ee gobolka Banaadir.

Ugu horreyn ra’iisul wasaaraha ayaa ka dhageystay guddoomiyeyaasha degmooyinka iyo taliyeyaasha amniga warbixinno ku saabsan xaaladda amni iyo bulsho ee gobolka, isaga oo ku adkeeyey in ay badiyaan feejignaantooda amni, maadaama dalku uu ku jiro dagaal ka dhan ah Al-Shabaab.

Intaas kadib ra’iisul wasaare Xamza ayaa faray maamulka gobolka iyo saraakiisha amniga in ay si deg deg ah wax uga beddalaan qaabka haatan loo sugo amniga caasimada, si looga hortago weerarada ay ka fuliso kooxda Al-Shabaab oo maalmihii lasoo dhaafay kordhay.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in la kordhiyey isla xisaabtanka ku aaddan hay’adaha dowladda, isla-markaana wax la’iska weyn diin doono falalka amni darrada ah ee dhaca.

Waxa kale oo uu intaasi ku daray in loo baahan in la xoojiyo wada-shaqeynta maamulka, ciidanka iyo shacabka, si looga hortago weerarada kooxda Al-Shabaab ee caasimada.

Ra’iisul wasaaraha oo kulanka ka hadlay ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in maamulka heer gobol iyo heer degmo ee gobolka Banaadir laga rabo in deg-deg wax looga qabto cid kasta oo dhibaato ku ah nolosha shacabka, isla-markaana ka shaqeyneysa amni darrada.

Ugu dambeyn wuuxuu ku baaqay in korna loo qaado fayo dhowrka iyo sidoo kale bilicda caasimada Ummadda Soomaaliyeed ee magaalada Muqdisho.

Muddooyinkii dambe ayaa waxaa aad u kordhay weerarada ka dhacaya gudaha caasimada, kadib markii ay kooxda Al-Shabaab weerartay xarunta gobolka Banaadir iyo agagaarka xarunta madaxtooyada Soomaaliya, taas oo cabsi weyn ku beertay reer Muqdisho.

330818628_597277885081087_22847499017712 330825302_6034906283241344_6157500391145 330831573_587929640017114_49691740691730 330832823_452192243700429_58950872824167 330844696_578710330556348_71252704628372 330980391_945003019999400_74191666867183 330993884_498481299118362_28916685381355 farey.jpg?resize=696%2C464&ssl=1

The post R/W Xamza oo amar culus kasoo saaray amniga MUQDISHO + Sawirro appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this