Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynaha IRAN Oo Booqasho Ku Tegeya Shiinaha Iyo Qodobada Uu Kala Hadlayo

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha dalka Iran Ebrahim Raisi ayaa la kulmi doona dhiggiisa dalka Shiinaha Xi Jinping, inta uu ku guda jiro safarka saddexda maalmood qaadanaya ee uu ku tegayo dalkaas, maalinta Salaasada.

Iran iyo Shiinaha oo ay is-hayaan dalka Maraykanka, ayaa doonaya inay kor u qaadaan iskaashiga ka dhexeeya labada dal.

Hua Chunying, afhayeenka wasaaradda arrimaha debedda ee dalka Shiinaha ayaa arrintan shaacisay, Axaddii iyada oo sheegtay in safarkani ka dhashay ka dib markii madaxweynaha dalka Shiinuhu uu martiqaad rasmi ah u fidiyey dhiggiisa dalka Iran.

Madaxweynaha dalka Iran iyo weftiga la socda ayaa heshiisyo kala duwan la saxeexan doona dhiggooda dalka Shiinaha, sida laga soo xigtay wakaaladda wararka ee Iran ee IRNA. Sidoo kale waxaa safarkan qayb ka ah, kulamo dhex mari doona ganacsatada labada dal.

Shiinuhu waa dalka iibsada shidaalka ugu badan ee dalka Iran, isaga oo sidoo kalena maalgashiyo badan oo muhiima ku sameeyey dalalka bariga dhexe. Sannadkii 2021, dalalka Shiinaha iyo Iran, waxay kala saxeexdeen heshiis iskaashi oo soconaya 25 sannadood, kaas oo ku saabsan, dhinaca dhaqaalaha, shidaalka, macdanta, wershedaha, gaadiidka iyo beeraha.

Dalalka oo xifaaltan badani ka dhexeeyo Maraykanka, ayaa doonaya inay si iskood ah isu meeleeyaan, iyaga oo taageero ka helaya dalka Ruushka.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this