Sign in to follow this  
Deeq A.

Imaam Masjid oo lagu dilay magaalada MUQDISHO

Recommended Posts

Deeq A.   
Muqdisho-scaled.jpg?fit=2560%2C1707&ssl=

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa dil qorsheysan oo saaka koox hubeysan ay ka fulisay degmada Wadajir ee gobolka Banaadir.

Dilka ayaa waxaa lagu soo warramayaa in loo geystay Imaam Masjir oo magaciisa lagu koobay Sheekh Mukhaar, sida ay innoo sheegeen ilo dadka deegaanka ah.

Marxuumka ayaa xilliga la dilayay kasoo baxay Masjidka Maqaamul Ibraahim ee ku yaalla agagaarka Jaayga degmada Wadajir oo uu Imaam ka ahaa.

Wararka ayaa sheegaya in ragga dilka geystay ay ku hubeysnaayeen Bistoolado, isla-markaana ay si deg-deg ah goobta uga baxsadeen, kadib toogashada.

Sidoo kale waxaa goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ee dowladda Soomaaliya, kuwaas oo baaritaano kooban ka sameeyay halkaasi, balse ma jirto cid ay u soo qabteen toogashada loo geystay Imaamnka oo caan ka ahaan degmada Wadajir.

Ma jiro illaa iyo hadda war rasmi ah oo ka soo baxay mas’uuliyiinta maamulka degmada iyo saraakiisha laamaha ammaanka oo ku aadan dhacdadaasi iyo howlgallada xigay.

Dhanka kale ma jirto illaa iyo hadda cidda ka dambeysay dilka marxuumka, ma cadda sababta loo beegsaday ee keentay toogashada loo geystay.

Dilkan ayaa qayb ka noqonayo falalka ammaan darri ee haatan ka dhacay magaalada Caasimada ah ee Muqdisho, kuwaas oo aad u kordhay maalmihii lasoo dhaafay.

Si kastaba, kooxda Al-Shabaab oo haatan wajaheysa dagaal culus oo ay iska kaashanayaan dowladda federaalka iyo dadka deegaanka ayaa culyes xoogan soo saartay Muqdisho.

The post Imaam Masjid oo lagu dilay magaalada MUQDISHO appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this