Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamada DF iyo kuwa Jubbaland oo saldhig muhiim ah kala wareegay Al-Shabaab + Sawirro

Recommended Posts

Deeq A.   
Ciidamada-Jubbaland-8.jpg?fit=1920%2C128

Afmadow (Caasimada Online) – Ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa Daraawiishta Jubbaland ayaa maamnta howlgal culus oo ka dhan ah Al-Shabaab ka sameeyay qaybo kamid ah gobolka Jubbaland, kaas oo ay guul ka sheegteen saraakiisha ciidanka huwanta.

Howlgalka oo ahaa mid qorsheysan ayaa si gaar ah uga dhacay deegaanka Qunbi, halkaas oo ay horay ugu sugnaayeen xoogaga Al-Shabaab.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamada ay dagaal ku qaadeen deegaankaasi, kadibna ay la wareegeen saldhig weyn oo ay kooxda Al-Shabaab ku lahayd halkaasi.

Qoraal lagu daabacay warbaahinta dowladda ayaa lagu sheegay in saldhigga la beesaday uu muhiim u ahaa kooxda, isla-markaana ay isku uruursanayeen dagaalyahano tiro badan.

Waxaa sidoo kale warkan lagu sheegay in saldhiggan uu muhiim u ahaa xubnaha Al-Shabaab ee ku sugan gobolka Jubbada Hoose ee dowlad goboleedka Jubbaland.

“Ciidanka ayaa dagaal kula wareegay Saldhiggaan muhiimka u ahaa Khawaarijta ku dhuumaaleysaneysa deegaanno ka tirsan gobolkaas,” ayaaa lagu yiri qoraalka dowladda.

Sidoo kale ciidamadan oo ka baxay deegaanka Janaay Cabdalle ayaa hub badan iyo saanad ciidan kasoo furtay kooxda Al-Shabaab, kadib howlgalka ka dhacay deegaanka Qunbi.

Dhinaca kale taliyaha qaybta 43-aad ee Ciidamada Xoogga Dalka iyo Wasiirka Amniga Jubbaland oo ku sugan aaggaasi ayaa kulamo la qaatay saraakiisha ciidamada huwanta, waxayna ku dhiiri-geliyeen inay isku diyaariyaan duulaan culus oo ka dhan ah Al-Shabaab.

Sidoo kale saraakiisha kulanka ka qayb-gashay ayaa mas’uuliyiinta ku sugan halkaas uga warbixiyay deegaanka muhiimka ah ee ay la wareegen ciidanku.

Howlgalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo shalay xoogaga Al-Shabaab ay weerar culus ku billwoday is-miidaamin ku qaadeen saldhig ku yaalla duleedka degmada Afmadow, kaas oo ay saraakiisha ciidamadu ay sheegeen in laga hortagay, kadibna laga hortegay weerarkaas.

330806353_714363366886848_72444589816943 330809397_902717174478142_84718121964737 330854618_543280970933825_17028146329421 330919026_1514982789022022_9162368915631

The post Ciidamada DF iyo kuwa Jubbaland oo saldhig muhiim ah kala wareegay Al-Shabaab + Sawirro appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this