Sign in to follow this  
Deeq A.

Dagaalka Ka Socda LAASCAANOOD Oo Galay Maalintii Toddobaad.

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Burco)-Dagaal u dhexeeyo ciidammada Somaliland iyo maleeshiyaadka nabad-diid ah ayaa lagu soo warramayaa in uu wali socdo, wuxuuna saaka uu dib uga billaamay magaalada Laaascaanood ee gobolka Sool, kaas oo galay maalintii todobaad.

Wararka ayaa sheegaya in haatan uu dagaalku ka socdo deegaanada Gooye, Mooragaan iyo aaga xerada Qooja-cadde oo ku taalla duleedka Laascaanood.

Labada dhinac ayaa isweydaarsanayaa hubka noocyadiisa kala duwan.

Ma cadda illaa iyo hadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalka balse waxa la sheegayaa in in ka badan 50 qof inta la ogyahay ay ku dhinteen dagaalladaasi toddobada maalmood socda.

Arrimahaan ayaa kusoo beegmaya, ayada oo ay burburtay xabad joojintii halka dhinac ahayd ee ay ku dhawaaqday xukuumadda Somaliland, maadaama uu weli dagaalka halkiisa ka sii socdo.

Dhanka kale waxaa isa soo taraya baaqyada caalamiga ah ee loo dirayo labada dhinac, iyada ay beesha caalamka ka hadashay xaaladda Laascaanood ay ku baaqday in dagaalka la joojiyo, kadibna la wada-hadlo.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this