Sign in to follow this  
Deeq A.

Xukuumadda Somaliland Oo Maamulka Puntland Ku Eedeysay In Uu Ciidamo Cusub Keenay Aagga Tukaraq

Recommended Posts

Deeq A.   

Jamhuuriyadda Somaliland ayaa maamul gobolleedka Puntland ku eedeeysay inay ciidamo ku soo daabuleyso aagga Tukaraq oo hore marar badan ay ugu dagaallameen Somaliland iyo Puntland.

Qoraal ka soo baxay xukuumadda Somaliland ayaa lagu sheegay in xaaladda Laascaanood ka taagan ay tahay mid ka weyn tabasho bulsho balse tahay qorshe ay ku midaysan yihiin kooxo cadow ku ah jiritaanka iyo qarannimada Somaaliland oo ay ugu horreeyaan kooxaha argagixisada ahi.

“Xukuumadda JSL waxa ay u digaysaa dawaladda Soomaaliya gaar ahaan maamul gobolleedka Puntland oo ciidamo tiro badan keenay xuduudda labada dal wadaagaan ee aagga Tukaraq taas oo keeni karta isku dhac ciidan,” ayaa lagu yidhi qoraalka ka soo baxay Somaliland.

Dhanka kale, Somaliland waxay sheegtay in ay wali ka go’antahay dhaqangelinta go’aankeedii ahaa xabbad-joojinta aan shuruudda lahayn, waxayna dhinaca kale ku eedeysay in aanay diyaar u ahayn xabbad-joojin si buuxda uga dhaqangasho magaalada Laascaanood.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this