Sign in to follow this  
Deeq A.

Warbixin:Doorasho Natiijadeeda la soo og-yahay

Recommended Posts

Deeq A.   

Doorasho natiijadeeda la sii og yahay.

Dalka Jabbuuti waxa ka socda ololaha doorashada Baarlamaanka waddankaasi oo loo eekaysiiyay qaabka Doorashooyinka waddamada dimuqraadiga ah balse ah mid natiijadeeda layska sii og yahay in xisbiga talada haya ee RPP ku guullaysanayo.
Taageerayaasha xisbul xaakimka oo keliya ayaa inta badan lagu arkaa fagaarayaasha Ololaha Doorashada.
Mucaaradku waxa ay sheegeen in doorashada Jabbuuti tahay mid dhalanteed ah oo bulshada Caalamka uun loogu sheegayo in doorasho dhacday.
Jabbuuti xorriyada hadalka iyo Warbaahinta ayaa ah mid xaddidan iyadoo lagu tilmaamo waddamada ugu horriyada liita Afrika.
Doorashada Jabbuuti natiijadeeda waxa ku dhawaaqa wasiirka Arrimaha gudaha waddanka.
Dad badan ayaa xabsiyada ku jira kadib markii ay dhaliileen nidaamka madaxweyne Geelle.
Dadka xidhan waxa ku jira Duulliye Fu’aad, kaas oo laba sannadood ka hor warkiisu gilgilay dareenka Soomaalida.
330818467_720794356391293_60082341912527
330817901_863521944942947_77569130865722

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this