Sign in to follow this  
Deeq A.

Xasan Sheekh oo sheegay arrin uu ku xaqiijinayo midowga ciribtirka argagixisada dalka

Recommended Posts

Deeq A.   
Xasan-1.jpeg?fit=2048%2C1366&ssl=1

Roma (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khudbad ka jeediyay kulan dadweyne oo ka dhacay Jamaacada LUISS Guido Carli University ee magaalada Rome.

Madaxweynaha ayaa ugu horeyntii hadal-jeedintiisa ku dul istaagay xiriirka taariikhiga ah ee ay wadaagaan Soomaaliya iyo Talyaaniga, halganka dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ee ciribtirka Khawaarijta.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa waxa kale oo uu sii adkeeyay muhiimadda in loo midoobo dabar-goynta kooxaha argagixisada ah, taasi oo uu sheegay inay dhabaha u xaareyso si loo xaqiijiyo duni nabdoon, horumarsan, caddaalad ah, islamarkaana si siman oo loo dhan yahay u wadaagta fursadaha jira.

Sidoo kale waxa uu khudbadiisa ku sheegay qorshaha dowladda ee wax ka qabashada caqabadaha ka dhashay amni-darrada iyo colaadaha iyo fursadaha Maalgashi ee dalka ka jira.

Xasan Sheekh ayaa waxa uu hoosta ka xariiqay in dowladda dederaalka Soomaaliya ay ka go’antahay sii xoojinta xiriirka qotada dheer ee labada dowladood & labada shacab ee Soomaaliya iyo Talyaaniga, iyada oo la iska kaashanayo dhinacyada amniga, xasilloonida iyo abuuridda jawi horumar guud oo dhan walba ah, si waafaqsan qorshaha horumarinta Qaranka Soomaaliya.

Si kastaba, safarka madaxweynaha ee Talyaaniga ayaa qeyb ka ah qorshaha dowladda federaalka Soomaaliya ee dib u soo nooleynta xiriirka saaxiibtinimo oo ay la leedahay dalalka caalamka.

The post Xasan Sheekh oo sheegay arrin uu ku xaqiijinayo midowga ciribtirka argagixisada dalka appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this