Sign in to follow this  
Deeq A.

“Xukuumadda Somaliland waxa ay dhawaaqday Xabad-joojin bilaa shuruud ah, Nasiib daro waxa xabad-joojintaa jabiyay kooxaha…” War-Saxaafadeed

Recommended Posts

Deeq A.   

Sida ay la socoto bulshada Jamhuuriyadda Somaliland iyo caalamkuba, waxa ay xukuumadda Somaliland habeenkii xalay  ku dhawaaqday Xabad-joojin bilaa shuruud ah  , Nasiib daro waxa xabad-joojintaa jabiyay kooxaha  ku soo duulay nabad galyada iyo xasiloonida Magaala Laascaanood. 

Xukuumadda   Somaliland iyada oo u tudhaysa shacabkeeda ku nool Magaalada Laascaanood sidoo kalena tixgalinaysa baaqyada nabadeed ee ka soo gaadhaya dhinacyo kala duwan,  waxay mar kale ku celinaysaa in ay dhinaceeda ka hirgalisay Xabad joojin bilaa shuruud ah, sidoo kalena ay u diyaar tahay in xaaladda Magaalada Laascaanood lagu dhameeyo wada-hadal iyo is-afgarad  anagoo ka rajeynayna dhinaca kale in ay dhankooda ka hirgalin doonaan xabad-joojintan. 

Ugu danbayn; Ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay amar ku qabaan hirgalinta xabad-joojinta, balse ciidamadu waxay heegan u yihiin weerarada kaga iman kara cidkasta, kuna  sugnaadaan xeryahooda iyo fadhiisimadood rasmiga ah.

Cabdiqani Maxamuud Caateeye

Wasiirka Gaashaandhiga JSL

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this