Sign in to follow this  
Deeq A.

Go’aamo Ka Soo Baxay Shirkii Qaran ee ka Qabsoomay Madaxtooyada JSL ku dhexmaray Madaxweynaha Qaranka Somaliland iyo Hoggaanka Xisbiyada Mucaaridka.

Recommended Posts

Deeq A.   
Go’aamo Ka Soo Baxay Shirkii Qaran ee ka Qabsoomay Madaxtooyada JSL ku dhexmaray Madaxweynaha Qaranka Somaliland iyo Hoggaanka Xisbiyada Mucaaridka.
1. In arrinta Laascaanood si nabada lagu dhammeeyo oo laga fogaado wixii colaadda sii hurin kara.
2. Saddexda Xisbi Qaran waxay soo dhaweeyeen, taageersan yihiinna xabbad joojinta xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ku dhawaaqday, dhinaca kalena waxay ugu baaqeen inay aqbalaan xabbad joojinta.
3. In Khilaafkii doorashooyinka laga wada hadlo, si xal looga gaadho, iyadoo loo xilsaaray saddex xubnood oo xisbi walba laga soo xulay, si ay u soo ururiyaan talooyinka kulanka kan xigana u soo muddeeyaan.
4. In loo gurmado dadka ka barakacay magaalada Laascaanood, sida ugu dhakhsaha badanna kaalmo loo gaadhsiiyo.
5. In arrimaha Qaranka si wada jira loo wajaho lagana wada tashado.
May be an image of 3 people, people standing and indoor

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this