Sign in to follow this  
Deeq A.

Dad ka badan 24,000 oo ku dhintay Dhul-gariirka Turkiga iyo Suuriya

Recommended Posts

Deeq A.   

Tirada dhimashada ee dadka ku waxyeeloobay Turkiga iyo Suuriya ayaa mareysa in ka badan 24,000,iyadoo dadaalka samatabbixinta ay weli ka socdaan labadaasi dal.

Tirada dhimashada Turkiga ayaa gaartay 20,665 Sabtidii halka in ka badan 3,500 ay ku dhimatay Suuriya.

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in ilaa 5.3 milyan oo qof oo Suuriya ku nool laga yaabo in ay hoy la’aan yihiin , halka ku dhawaad 900,000 oo qof ay u baahan yihiin cunto kulul oo degdeg ah oo la gaarsiiyo Turkiga iyo Suuriya.

Dowladda Suuriya ayaa ogolaatay in gargaar bini’aadantinimo la gaarsiiyo goobaha dhulgariirku ku dhuftay ee ka baxsan gacantooda, sida ay sheegtay warbaahinta dowladda.

Turkiga ayaa sheegay in uu ka shaqaynayo sidii uu u furi lahaa laba waddo oo cusub oo loo maro qaybaha ay fallaagada gacanta ku hayso ee Suuriya.

PUNTLAND POST

The post Dad ka badan 24,000 oo ku dhintay Dhul-gariirka Turkiga iyo Suuriya appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this