Sign in to follow this  
Deeq A.

Jubaland: Al-shabaab oo weerartay xero ciidan

Recommended Posts

Deeq A.   
Saldhigga.jpg?resize=706%2C401&ssl=1

Kooxda Al-shabaab ayaa saaka weerar ku qaaday xero ciidan oo ku taala degmada Afmadow ee gobolka Jubada Hoose.

Al-shabaab ayaa labo gaari oo walxo qarxa lagu soo raray ku qarxisay afaafka xero ciidan oo ay wada daganaayeen ciidamo ka tirsan dawladda federaalka iyo kuwa daraawiishta Jubaland.

Gudoomiyaha degmada Afmadoow Maxamed Amiin Cabdillaahi Cismaan oo wareysi siiyay laanta afka Soomaaliga ee BBC-da ayaa sheegay in aydan jirin wax dhimasho ah oo weerarkaasi uu sababay, balse ay jiraan dhawaacyo soo gaaray askartii xeradaas joogtay.

PUNTLAND POST

The post Jubaland: Al-shabaab oo weerartay xero ciidan appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this