Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Biixi Iyo Xisbi Mucaarad Oo Hadda Kulan Uga Bilaamay Aqalka Madaxtooyada.

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo hoggaanka labada xisbi mucaarad ee UCID iyo WADDANI ayaa hadda kulan uga bilaamay aqalka madaxtooyada.

Kulanka ayaa la filayaa in lagaga hadlo xaaladda gobolka Sool iyo khilaafka Doorashada.

Sida ay ogaatay Somalilandtoday xubnaha mucaaridka uga qayb galaya kulanka hadda uga bilaamay aqalka madaxtooyada ayaa waxa ka mid Murrashaxa Madaxweynaha xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, siyaasiga rugcadaaga ah ee Cabdiqaadir Xaaji Ismaaciil Jirde kana mid ah hoggaanka sare ee xisbiga WADDANI, murrashaxa Madaxweyne ku-xigeenka xisbiga WADDANI Maxamed Cali Aw Cabdi, guddoomiyaha xisbiga UCID eng Faysal Cali Waraabe, Guddoomiye ku-xigeenka golaha wakiillada Xildhibaan Siciid Mirre Faarax Giire iyo Xildhibaan Jaamac Macaf oo kamida Xildhibaanada Golaha Deegaanka Degmada Berbera, Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdiqaadir oo aan in-dhawayd lagu arag fagaarayaasha siyaasada Somaliland balse hadda dhanka Xisbiga UCID ka socda.

Dhanka xukuumadda lama oga ilaa hadda cid ku wehelin doonta Madaxweyne Biixi kulankan.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this