Sign in to follow this  
Deeq A.

Eritrea Oo 16 Sanno Kadib Dib Ugu Biireysa Urur Gobolleedka IGAD

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Nairobi)-Madaxweyneyaasha Kenya iyo Eritrea oo kulamo kala duwan maalmihii lasoo dhaafay ku lahaa magaalada Nairobi ayaa ku heshiiyay qodobo ay kamid yihiin sidii loo fudeyn lahaa socdaalka iyo xidhiidhka ganacsiga labada wadan ee Kenya iyo Eritrea.

Dhinaca kale madaxweynaha Eritrea ayaa xaqiijiyay in dalkiisu uu mar kale dib ugu biiri doono urur gobolleedka IGAD ee uu muddada 10-ka sanno ka badan ka maqnaa.

Eritrea ayaa joojisay xubinnimadeeda IGAD sannadkii 2007 kadib markii ay isku khilaafeen Itoobiya joogitaanka ciidamada Itoobiya ee Soomaaliya.

Sannadkii 2018-kii, Eritrea iyo Itoobiya waxay dib u soo ceshadeen xidhiidhkooda diblomaasiyadeed waxayna ku heshiiyeen in la soo afjaro colaadda sannado badan u dhexeysay.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this