Sign in to follow this  
Deeq A.

“Waxaa Saaka Fadhiisimada Ciidanka Qaranka Somaliland Ee Magaalada Laascaanood Weerar Ku Soo Qaaday Kooxihii Argagixisada Ahaa Ee…” Xukuumadda Somaliland Oo Sheegtay In Xabbad Joojintii Xalay Ay Ku Dhawaaqdey Ay Ka Baxeen Dhinicii Kale

Recommended Posts

Deeq A.   

Rasaas kala duwan ayaa laga maqlayaa magaalada Laascaanood balse weli lama xaqiijin in dagaal fool ka fool ah bilaamay iyo in madaafiic uun lays waydaarsanayo.

Somaliland oo xalay ku dhawaaqday xabad joojin hal dhinac.

Dhinaca isamada dhaqanka weli ma shaacin mowqifkooda la xidhiidha Xabad joojinta inkasta oo Garaad Mukhtaar oo xalay hadlay sheegay in ay nabadda markasta diyaar u yihiin isagoo intaasi ku daray in Somaliland weli waddo duqaynta magaalada.

Xukuumadda Somaliland ayaa sheegtay in xabbad joojintii xalay ay ku dhawaaqdey ay ka baxeen dhinicii kale. War qoraal ah oo kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland ayaa lagu sheegay in weerar lagu soo qaadey fadhiisimada ciidanka Qaranka ee Magaalada Laascaanood, balse ay ciidanku iska difaaceen weerarkaasi.

Qoraalka ka soo baxay wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland ayaa u dhignaa sida tan: “Waxaa saaka fadhiisimada Ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland ee Magaalada Laascaanood weerar ku soo qaaday kooxihii argagixisada ahaa ee dagaalka ka wada magaalada Laascaanood, ciidamada Qaranka JSL wey iska difaaceen waxa aanay ku sugan yihiin xeryohoodii oo difaac kaga jiraan.

 Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa xalay ku dhawaaqday xabad joojin aan shuruud lahayn, halka isla saakaba ay kooxihii argagixisada ahaa ay weerar soo qaadeen si aanay u dhaqan gelin Xabad Joojintu.”

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this