Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Wasiirka Difaaca Talyaaniga oo arrin muhiim ah ka balan-qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1676047313872.jpg?fit=720%2C328&s

Roma (Caasimada Online) –Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo weli ku sugan dalka Talyaaniga ayaa kulan gaar ah magaalada Roma kula qaatay Wasiirka Difaaca dalka Talyaaniga Guido Crosetto.

Wasiir Crosetto ayaa uga mahadceliyey Madaxweynaha booqashada iyo wada-xoojdyada ay yeesheen, wuxuuna sheegay in nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya ay aas-aas u tahay nabadda Gobolka iyo Adduunka.

Sidoo kale wasiirka gaashaandhigga Talyaaniga ayaa Madaxweynaha Soomaaliya u sheegay inay ka go’antahay dalkiisa in ay ka gacan siiyaan dowladda Soomaaliya xaqiijinta amniga iyo la dagaallanka argagixisada.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa kala hadlay Wasiirka Difaaca Talyaaniga xoojinta xiriirka iskaashiga labada dal ee dhinacyada amniga iyo milatariga, xasilloonida gobolka, kor u qaadidda taageerada dowladda Talyaaniga ee Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa si gaar ah diiradda u saaray dib u habeynta ciidamada iyo dagaalka ka dhanka ah argagixisada ee dalka ka socda. 

Dhanka kale, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa la kulmay Safiirka  Maraykanka u fadhida Hay’adaha Qaramada Midoobay ee Rome, Danjire Cindy McCain ayaa la wadaagay qorshayaasha hortabinta u leh Dowladda Soomaaliya ee dhinacyada wax-soosaarka kalluumeysiga, xoolaha iyo beeraha.

 Madaxweynaha ayaa cadeeyey in mudnaanta la siinayo sidii looga maarmi lahaa ku tiirsanaanta gargaarka bini’aadannimo, looguna beddeli lahaa maalgashi dhaqaale oo horseeda horumar waara.

Safiirka Maraykanka u fadhisa Hay’adaha Qaramada Midoobay ee Rome ayaa ku bogaadisay Madaxweynaha, dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed sida ay ugu istaageen dagaalka ka dhanka ah argagixisada Alshabaab,  dadaalka dowlada ay uga hortagtay in macluul ay ka dhacdo Soomaaliya, gurmadka abaaraha iyo samata-bixinta deegaannada laga xoreeyey argagixisada ee muddada ay curyaamiyeen, waxa ayna tilmaamatay in ay laba-laabayaan taageerada iyo garab istaagga dowladda.

FB_IMG_1676047316382.jpg?resize=696%2C38 FB_IMG_1676047313872.jpg?resize=696%2C31 FB_IMG_1676047311577.jpg?resize=696%2C67

The post Sawirro: Wasiirka Difaaca Talyaaniga oo arrin muhiim ah ka balan-qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this