Deeq A. Posted February 10, 2023 Waxaan baaq u dirayaa Golaha Wakiilada JSL oo aan Leeyahay Xaalada Dalku Marayo Maanta Yaad Ku Halaynaysaan ? Golihii Guurtida ee Aqalkii Odayaasha ee qaranka Shaqadan u qaabilsanaa Guurtiyeynta Waxay ka doodayaan Xeerka Macdanta iyo Caafimaadka.Sidaa daraadeed Dalkan Cidina Uma MaqnaSidoo kale Waxaan baaq u dirayaa Culimada, Ganacsatada iyo Hogaanka Madax-dhaqameedka JSL oo aan Leeyahay Fadhiga ka kaca oo Af iyo Arinba Wixii aad Qaban kartaan xaalada dalku galay xal u raadiya. Ugu danbayn dagaalka Laasacaanood ka Socda maanta waa kugu dhimay oo kaa dhimay, waana ayaan daro wayn iyo dagaal aan dalkan Somaliland aanu u baahnayn oo qaadi karin marnaba waayo cida Laascaanood ku dhimanaysa waa Shaccabkeeni iyo ciidamadeenii reer Somaliland ‘sida darteed waa in Wada-hadal iyo Wada-xaajood lagu dhameeyaa tabashada jirta. Arintaasi in halkaa ay gaadhana waxaa ka Masuul ah Xukuumadeena Talada Xun ee Xisbiga Kulmiye’Waayo hadii Heshiiskii ALLAH ha u Naxriistee Prof: Cali Khaliif Galaydh Xukuumadii hore la Gashay la Dhamayn lahaa Halkaas Maanta ay joogto May Gaadheen.” Yuusuf Kayse Cabdilahi Source Share this post Link to post Share on other sites