Sign in to follow this  
Deeq A.

Baaq Ku Socda Golaha Wakiiladda JSL Somaliland

Recommended Posts

Deeq A.   

Waxaan baaq u dirayaa Golaha Wakiilada JSL oo aan Leeyahay Xaalada Dalku Marayo Maanta Yaad Ku Halaynaysaan ?

Golihii Guurtida ee Aqalkii Odayaasha ee qaranka Shaqadan u qaabilsanaa Guurtiyeynta Waxay ka doodayaan Xeerka Macdanta iyo Caafimaadka.
Sidaa daraadeed Dalkan Cidina Uma Maqna
Sidoo kale Waxaan baaq u dirayaa Culimada, Ganacsatada iyo Hogaanka Madax-dhaqameedka JSL oo aan Leeyahay Fadhiga ka kaca oo Af iyo Arinba Wixii aad Qaban kartaan xaalada dalku galay xal u raadiya.

Ugu danbayn dagaalka Laasacaanood ka Socda maanta waa kugu dhimay oo kaa dhimay, waana ayaan daro wayn iyo dagaal aan dalkan Somaliland aanu u baahnayn oo qaadi karin marnaba waayo cida Laascaanood ku dhimanaysa waa Shaccabkeeni iyo ciidamadeenii reer Somaliland ‘sida darteed waa in Wada-hadal iyo Wada-xaajood lagu dhameeyaa tabashada jirta.

Arintaasi in halkaa ay gaadhana waxaa ka Masuul ah Xukuumadeena Talada Xun ee Xisbiga Kulmiye’
Waayo hadii Heshiiskii ALLAH ha u Naxriistee Prof: Cali Khaliif Galaydh Xukuumadii hore la Gashay la Dhamayn lahaa Halkaas Maanta ay joogto May Gaadheen.”

Yuusuf Kayse Cabdilahi

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this