Sign in to follow this  
Deeq A.

Xisbiga UCID oo dalab deg-deg ah oo la xidhiidha dagaalka Laascaanood u diray madaxweyne Biixi

Recommended Posts

Deeq A.   

Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID ayaa dalbaday in deg deg loo joojiyo dagaalka ka socda Laascaanood, kaasi oo galay maalintii shanaad oo xidhiidh ah.

Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Ucid Faysal Cali Waraabe ayaa waxa uu xukuumadda Somaliland ee uu hogaamiyo Muuse Biixi ka dalbaday inay ku dhawaaqdo xabad joojin hal dhinac ah, si loo dhameeyo xiisadda Laascaanood, loona gaadho xal nabadeed.

“Si loo dhameeyo xiisadda Laascaanood, xal nabadeedna loo gaadho, waa in xukuumadda Somaliland ku dhawaaqdo xabbad joojin hal dhinac ah, ayna samayso dadaal kasta oo lagu xaqiijinayo nabadda,” ayuu yidhi guddoomiye Faysal Cali Waraabe oo isagu markii u horeysay ka hadlay dagaalka socda.

Waxa uu sii raaciyay “Dawladdu waa inay fududaysaa gar-gaarka bini’aadantinimo ee dadka barakacay, ayna samayso dadaal kasta oo lagu xaqiijinayo nabadda.”

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this