Sign in to follow this  
Deeq A.

Golaha Wasiirada DF oo afar bilood ku ansixiyay 14 sharci oo qaarkood dood badan dhaliyeen

Recommended Posts

Deeq A.   
Golaha-Wasiirada-Xamza.jpeg?fit=1024%2C5

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisal Wasaare Xamza Cabdi Barre iyo xukuumadiisa Dan-Qaran ayaa afar bilood gudaheed ku ansixiyay 14 hindise-sharciyeed, sida uu baahiyay xafiiska ra’iisal wasaaraha.

Shuruucda ay golaha wasiirada xukuumadda ay ansixiyeen mudada afarta bilood ah ayaa waxay kala yihiin; 1.Hindise-sharciyeedka korontada qaranka, 2.Hindise-sharciyeedka hey’adda sirdoonka iyo nabad-sugidda qaranka, 3.Hindise-sharciyeedka aqonsiga iyo diiwaan-gelinta dadweynaha, 4.hindise-sharciyeedka cuna-qabateynta maaliyadeed ee cayiman, 5.Hindise-sharciyeedka nidaamka maaliyadda khayraadka dhulka hoostiisa iyo 6.Hindise-sharciyeedka dhiiri-galinta maalgashiga Soomaaliya.

7.Hindise-sharciyeedka hey’adda xisaabiyaasha Soomaaliyeed, 8.Hindise-sharciyeedka dhismaha hey’adda socdaalka iyo jinsiyadda Soomaaliyeed, 9.Hindise-sharciyeedka xuquuqda maalgashatada iyo maalgashiga, 10.Hindise-sharciyeedka la-dagaalanka argagixisada, 11.Hindise-sharciyeedka socdaalka, 12.Hindise-sharciyeedka horumarinta iyo maareynta kalluumeysiga Soomaaliyeed, 13.Hindise-sharciyeedka maareynta deegaanka isbeddelka cimillada iyo 14.Hindise sharciyeedka dhowrista xogta.

Shuruucda ay afarta bilood ku meel-mariyeen golaha wasiirada ayaa waxaa kamid ah hindise-sharciyeedka cuna-qabateynta maaliyadeed ee cayiman, kaasi oo dhaliyay buuq badan.

Sharcigan oo la geeyay golaha shacabka ayaa waxaa lagu meel-mariyay hab sharci darro ah, ayada oo aan loo dhameystirin hab raaci golaha ee shuruucda, sida ay sheegeen xildhibaano ka tirsan baarlamaanka.

Ansixinta hindise-sharciyeedkan ayaa timid kadib markii guddoomiyaha guddiga Maaliyada & Miisaaniyada iyo wasiirka wasaarada Maaliyada ay xildhibaanada ka codsadeen in ay anisxiyaaan, sida uu guddoonka golaha shacabka ku sheegay qoraal kasoo baxay 14-kii bishii hore.

Hindise-sharciyeedka cuna-qabateynta maaliyadeed ee cayiman oo asagu ah mid lagu xakameynayo dhaqaalaha la-siiyo argagixisada, sida ay qabto wasaaradda soo gudbisay, ayaa waxa walaac laga muujiyay in loo adeegsado shaqsiyaad ama shirkado markaas dano gaar ah laga leeyahay.

Waxa uu sharcigan awood u siinaya wasaaradda maaliyada iyo hay’addaha daba-galka iyo kormeerka inay geli karaan dhismo iyo meelkasta si ay u baaran, ula wareegaan ama nuqullo ugu sameeystaan dukumtiyo ama warbixino lagama maarmaan u ah ujeedooyinka asteeynta shaqsiyaadka, ayada oo markaas aan fasax haysan ama ogeysiin cid kale.

Si kastaba, xukuumadda uu hogaamiyo ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre oo raaceysa siyaasadda madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dadaal badan ugu jirta dib u qaabeynta dowladda iyo sidii dalkaan looga ciribtiri lahaa kooxda Shabaab.

The post Golaha Wasiirada DF oo afar bilood ku ansixiyay 14 sharci oo qaarkood dood badan dhaliyeen appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this