Sign in to follow this  
Deeq A.

Qaramada Midoobay oo ku baaqday in loo gurmado Turkiga iyo Suuriya

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxa Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa ugu baaqay beesha caalamka in ay lacag badan ku bixiyaan gurmadka loogu talagalay dadkii ku waxyeeloobay dhulgariirkii ka dhacay Turkiga iyo Suuriya.

Madaxa Qaramada Midoobay  ayaa sidoo kale  ku dhawaaqay shir deeq yabooha  oo dhacaya todobaadka soo socda,kaas oo ay  isugu imaan doonaan dalalka deeq-bixiyayaasha caalamiga ah .

Dhinaca kale,Bangiga Adduunka ayaa u ballan qaaday Turkiga lacag dhan $1.78-bn oo gargaar soo kabasho ah.

Kolanyadii ugu horreeyay ee gargaarka Qaramada Midoobay ayaa gaaray waqooyiga-galbeed Suuriya ee ay gacanta ku hayaan mucaaradka, iyadoo aan la soo marin goobaha ay maamusho dowladda Suuriya

Tirada dadka ku dhintay dhulgariirrada Turkiga iyo Suuriya ayaa dhaaftay 21,000. Ugu yaraan 17,674 qof ayaa ku dhintay Turkiga, sida uu sheegay madaxweyne ku xigeenka Fuat Oktay, halka la og yahay in 3,377 ay ku dhinteen Suuriya.

PUNTLAND POST

The post Qaramada Midoobay oo ku baaqday in loo gurmado Turkiga iyo Suuriya appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this