Sign in to follow this  
Deeq A.

Wararkii u danbeeyay ee dagaal maalintii shanaad ka socda Laascaanood

Recommended Posts

Deeq A.   

Dagaal xooggan ayaa maalintii shanaad ka socda buuraha ku yaalla duleedka magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool.

Ciidamada Somaliland iyo xoogagga Daraawiishta SSC ayaa ku dagaallamaya saldhigyo ay leeyihiin Ciidamada Somaliland oo ku yaalla bannaanka magaalada.

Hubka waaweyn iyo duqaymo culus ayaa saaka laga maqlayaa furimaha dagaalka ee duleedka Laascaanood.

Ciidamada Somaliland ayaa dhinaca kale madaafiic aan loo meel dayin ku garaacaya gudaha  Laascaanood sida ay noo xaqiijiyeen goob-joogayaal.

Waxa xusid mudan in Ciidamada Somaliland hadda aysan hal tuulo ka joogin Gobolka Sool marka laga reebo saldhigyo ciidan oo ay ku leeyihiin buuraha u dhow Laascaanood iyo Tukaraq.

PUNTLAND POST

The post Wararkii u danbeeyay ee dagaal maalintii shanaad ka socda Laascaanood appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this