Deeq A. Posted February 10, 2023 Dagaal ayaa maalintii shanaad ka socda buuraha ku yaalla dulleedka magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool. Dagaalkan oo u dhexeeya Ciidamada qaranka Somaliland iyo maleeshiyaad nabad diid ah ayaa sababay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh sida kale waxa uu sababay in dad shacab ah ay ka qaxaan magaalada Laascaanood. Hubka waaweyn iyo duqaymo culus ayaa saaka laga maqlayaa furimaha dagaalka ee duleedka Laascaanood sida ay noo xaqiijiyeen goob-joogayaal. Source Share this post Link to post Share on other sites