Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Deni oo guddoomiyay shir amni iyo qodobo xasaasi ah oo kasoo baxay

Recommended Posts

Deeq A.   
329130716_496349979243594_31113294320427

Boosaaso (Caasimada Online) – Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Puntland Mudane Saciid Cabdullaahi Deni ayaa xalay shir-guddomiyey shirka amniga gobolka Bari.

Shirkan oo ay kasoo qeyb-galeen guddiga amniga gobolka Bari iyo xubno ka tirsan Golaha Wasiirada ayaa waxaa looga hadlay adkeynta nabad-gelyada, horumarinta magaalada iyo garab istaaga mashaariicda horumarin iyo nashqadeynta magaalada.

Shirkan ayaa waxay masuuliyiintu ku go’aamiyeen in dhulka banaanka ee maamulkaasi laga jaro dhul dan guud ah oo dhan 30%, ayada oo la tixraacayo xeerka maareeynta dhulka magaalooyinka ee dowlad-goboleedka Puntland.

Qoddobada kasoo baxay kulankan ayaa sidoo kale waxaa kamid ah; in dhammaan la baneeyo guryaha iyo dhulka banaan ee dowladda iyo adkaynta nabad-gelyada guud ee gobolka bari, gaar ahaan magaalada Boosaaso.

Hoos ka aqriso dhamaan qodobada kasoo baxay shirkan oo dhameystiran;

  1. Adkaynta Nabadgalyada guud ahaan Gobolka bari gaar ahaan magaalada Boosaaso.
  2. Ka hortaga falalka Argagixisada iyo La dagaalanka Maandooriyaha.
  3. In dhammaan la baneeyo guryaha iyo dhulka banaan ee Dowladda.
  4. In la sameeyo naqshadaynta magaalada Boosaaso (Master Plan) oo la baneeyo dhammaan jidadka xiran ee nashqadu tilmaamayso.
  5. In dhulka banaanka laga jaro dhulka danta guud ee 30% ka ah, ayada oo la tixraacayo Xeerka maareeynta dhulka magaalooyinka ee Dowladda Puntland.
  6. In dhammaan guryaha Magaalada Boosaaso, Biilasha Biyaha iyo Korontada lagu daro $1 dollar oo lagu horumarinayo magaalada Boosaaso laga bilaabo 1 Bisha March 2023.
  7. In la sameeyo Guddiga horumarinta magaalada Boosaaso.
  8. In dhammaan baalayaasha korontada laga qaado meelaha aan munaasibka ku ahayn sida jidadka.
  9. In Bulshadu ka qeyb qaadato mashaariicda horumarineed ee ka socota magaalada Boosaaso, Iyadoo cidii ka hortimaadana Sharciga la horkeeni doono.

329130716_496349979243594_31113294320427 329878566_1000305634280737_7977619082903 327454226_524553726214667_72479197592499 328128802_3294485987483584_8692421903934 328674059_2091122527752335_5780981629958 329881456_1033225190969309_8099205528348

The post Sawirro: Deni oo guddoomiyay shir amni iyo qodobo xasaasi ah oo kasoo baxay appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this