Sign in to follow this  
General Duke

Burco Clan meeting ends with agreement: read will Riyaale care?

Recommended Posts

Go’aano Culus oo ka Soo Baxay Dhamaadka Shirkii Beelaha Bariga Iyo Galbeedka Burco

 

March 12th, 2009

 

6-April Iyo Bustaha Riyaale+Buuriga UDUB Iyo Badka Doorashada

Burco (Somaliland.org)-Shirkii Wada tashiga ahaa ee ilaa Iyo shalay uga socday Burco beelaha Bariga Iyo Galbeedka ayaa maanta si rasmi ah loo soo gaba-gabeeyay, iyada oo lagu doortay gudi ka kooban 18 Xubnood oo laga xulay Ergadii Shirka ka Qayb-gashay oo 200 oo Xubnood Ahyd

Isla markaasina laga soo saaray Sideed Qodob oo qaar ka mid ahi si dhab ah u taabanayaan Marxalada Siyaasadeed ee Xiligan Dalku ku Sugan yahay, iyadoo qaar ka mid ah Qodobadu Digniin Culus u Direen, Komishanka Doorashooyinka Iyo Golayaasha Qaranka Si looga Badbaado Wax ay ugu Yeedheen Burbur Dalka ku Yimaada

Nuxurka Qodobadaasi oo ay ku Xardhan yihiin Saxeexa Lix Suldaan Iyo Boqor ka Mid ah Beelaha Gobolka Togdheer ayaa Waxay kala ahaayeen

Go’aanada Shirka Labada Beellood

Falanqayn iyo dood dheer kadib waxaa ergooyinka shirkani si buuxda isula qaateen go’aamadan soo socda:-

Share this post


Link to post
Share on other sites

quote:

1. 1-In labada beelood u wada noolaadaan si nabadgelyo iyo walaalnimo ah lana xaliyo arimaha taagan ee xasiloonida waxyeelikara, sida falkii Riyo-xidho ka dhacay.

2. 2-In la-dhiirigeliyo wax wadaqabsiga bulshada iyo horumarinta adeegyada guud ee degaanada labada beelood.

3. 3-Waxay labada beelood u arkaan natiijadii diwaangelinta codbixiyayaasha ee ay soo saareen Komishanka in si xun loo maamulay oo aan layla ogayn iyadoo ujeedo gaar ah laga leeyahay sidaa darted waxay isla garteen inaan la aqbalikarin hadii aan lasixin.

4. Waxay aragti-midaysan ka yeesheen labada beelood arimaha Siyaasada ee taagan :-

A) In doorashadii madaxtooyada wadanka laga qabto wakhtigii loo mudeeyay ee ahaa 29 march.

B) Waxay labada beelood u arkaan dib u dhigista doorashada ee soo noqnoqtay mid lagu majara-habaabinayo umada dalkana lagaga abuurayo khalkhal siyaasadeed siaa darteedna waxay kasoo horjeedaan wax mudo kordhin ah.

C) Hadii doorashadu ku qabsoomiwaydo inta kahoraysa 6th April, oo ah wakhtigii sharciga ahaa ee hore laysula qaatay waxay labada beelood soo jeedinayaan in Golayaasha sharcidejintu go’aan ka gaadhaan hogaaminta dalka iyo ciddii doorashada gaadhsiinlahayd, waxaanay labada beelood ugu baaqayaan beelaha kale ee Somaliland inay mawqif midaysan kayeeshaan.

5. Waxay labada beelood si wada jir-ah u magacaabeen gudi kashaqaysa danaha labda beelood, hirgelisana go’aamada shirka lagu gaadhay gudiga oo ka kooban 18 xubnood

.

6. Gebagebadii shirka Sulaadiinta iyo ergada shirku waxay baaq nabadeed u direen degaanada shiqaaqadu dhexmartay ee ceelbardaale, Galgal iyo cagaarane waxaanay ilaahay u waydiinayaan in uu beerkooda burcad isu mariyo

ssj

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this